War Deg Deg Ah: Somaliland Oo Go'aan Ka Soo Saartay Qaadka Dalkeeda Yimaada

0
Thursday April 23, 2020 - 14:14:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Somaliland Oo Go'aan Ka Soo Saartay Qaadka Dalkeeda Yimaada

    War-saxaafadeed:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-saxaafadeed:
Guddida heer qaran ee ka hortaga Xanuunka Covid19 Iyo Masuuliyiinta Shirkadaha Qaadka Oo Maanta Isla Qaatay In La Joojiyo Qaadka Laga Bilaabo 26-ka Bishan


Guddida heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 oo uu shir guddoominayey Madaxweyne ku-xigeen Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddimiyaha Guddida Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) waxay shir la yeesheen ganacsatada Qaadka ee Somaliland.



Shirka waxa lagaga hadlay sidii loo joojin lahaa Qaadka dalka soo gala maadaama lagu hawlan yahay ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 ee dunida aafeeyey.


Haddaba, guddida u-diyaar-garawga iyo ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 waxay maanta oo taariikhdu tahay 23rd April 2020 soo saareen go’aamadan:


1. In laga bilaabo maalinta Axada ee taariikhdu tahay 26th April 2020 Somaliland laga joojiyey keenista iyo ka ganacsiga Qaadka ilaa maalinta Salaasada ee taariikhdu tahay 21st May 2020 oo ku beegan labo cisho ka hor maalinta ciidda, iyadoo lagu xisaabtami doono xaaladda isbedel ee xanuunka COVID-19.


2. Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka iyo Ciidamada kala duwan ee Qaranka waxa la farayaa in ay qabtaan isla markaana ay gubaan dhammaan wixii Qaad ah ee dalka soo gala, sidoo kale waxa lagu amrayaa inay la wareegaan gaadiidka sida Qaadka ayna sharciga horkeenaan cidda lagu qabto iyadoo Qaad dalka soo galinaysa ama ka ganacsanaysa.


DHAMMAAD

Loading...
Loading...