"U Hiili Dhalinyaradda Hankoodii God Lagu Riday. Ka Hiili Qabyaalad. U Hiili Midnimo Somaliland Oo Siman Bari Ila Galbeed"
Hadana waxaa soo baxday in doorashada dhacday oo 2019 la qaban doono.
Dorashadaa Barlamaanka oo dhowr jeer dib u dhacday. Sababaha aanan
xagan ku soo koobi karayn. Lakiin waxa qofkaste u cadaatay in aanay kuwa
Xilibaanadda fadhiya rabin in doorasho la qabto oo kursigaa iyo
mushaharka iska qaatan. 2005 ayaa la doortay kuwa ila imika fadhiya ee
dhowr jeer kordhistay. Waxa la qaban karayay 3 doorasho 2010 qaar lagu
doorto. Markaana 2015 iyo 2020. Wali may dhicin doorasho kursi ku
dhagayaashaasi ilaa 2025 miyay dadka hor fadhiyi doonan ayaa la is
waydiinayaa. Imikadan waxa cad ilaa 2022 inay u codeeyeen inay
fadhiyaan.
Heshiis 3 xusbi iyo ajanabi ka markhaati ahayeen, wataa soo dhawayn
wayday doorasho. Waa run cudur aduunkii wareegaya Covid 19 la yidhaa oo
taasi doorasho waa xanibi kartaa. Lakiin sualaha taagan ah.
Golaha wakiilada iyo ka deeganka Madaxwayne muxuu u kala diri wayay. Dee hadii uu kala diro Barlamaanka isna kursigiisa ayaa khatar galaya. Isaga mandate ku fadhiyaa. Lakiin kuwani
wakhtigoodi bari hore dhamaaday. Tolow Gudoomiye Feysal amaba Cirro
haday Madaxwayne ahaan lahayeen ma qaadi lahayeen talabo ka duwan ta
Madaxwayne Muse. Markaste waxay saarantay masuuliyadda inay doorasho
kaste dhacdo Madaxwaynaha.
Golaha Guurtida qaar baa
ilaa 1991 fadhiya ku jira maqalnay. Waxay ahayd in doorasho qabsadaan
amaba si kale loo soo xulo. Odayaal badan qiimo ku leh Somaliland lagu
daro ahayd.
Maadamoo markaa is idhi waar bal dalkaagi wax u qaboo G/wakiiladda
xeerar iyo mooshino keen shacab badan nolooshada wax ka badala.
Barlamaan casriya oo dooda fiican ka dhacaan oo Xilibaadda la yaqaano.
Isku fikir yaanay ahanin lakiin dadka iyo horumarka dalkooda ka shaqeeya
u midaysan. Lagana soo doorto bari ila galbeed oo ka muuqdan rag iyo
dumarba. Barlamaan sida u casriya hada heli layn. Aqoonsiga iyo duniddaa
macal inagu soo jeedsan lahayd.
Doorasho inay dhacdo hadii intaan soo sheegay ka shaqayn wayeen, waxay
ahayd in musharixiintu hadlaan oo yidhahdan iyago shirar joogta qabanaya
may dhicin alaylehe bil ka hor arkayay 10 qof yidhi musharixiin nahay
doorasho waa inay dhacdaa. Anuu dhowr jeer ka hadlay tv oo shir jaraaid
qabtay. Dalkan waa in doorasho la qabtaa. Hankii, xuquuqdii iyo xaqii 2
milyan dhalinyaro waa in la badi doona.
Malintaa is
sharaxay 33 jir ahaan markaa doorasho haday dhacdo adoo 35 ayaa 2017 soo
gali islahaa. Haduu ilahay ku calfay, markaa may dhicin oo hankayga uun
mahee 2 milyan anoo u hadlaya. Waa ayaan daro in doorasho dhici waydo.
Sidaa daradeed si kale wax u sixi kol aan jago Madaxwayne u soo istaago
mustaqbalka ha noqotee. Caqabadaha dalkan hor taagan Somaliland mid
laga sixi kara uun maha Barlamaan. Markaa waligay joojin maayo in aan u
hiiliyo dalkayga iyo dalkayga kana shaqeeyo horumakiisa. Waxaan markaste
badi dooni Somaliland qurux badan oo loo midaysanyay oo cadaaladu
sarayso. Dhalinyaro iyo Dumarkana ka faidaysta cududooda iyo caqligooda.
Markaa anuu musharaxnimo waa ka noqday 5 sanoo kale ahaan mayo meel
aanay doorasho ka soo muuqan. Lakiin dalkayga Waan u sii shaqayn.
Rabadaan Kareem Ilahayna cudurka dalkayga iyo dadkayga Somaliland ha ka
bad baadiyo.
”U hiili dhalinyaradda hankoodii god lagu riday. Ka hiili Qabyaalad. U hiili midnimo Somaliland oo siman bari ila galbeed”
—Mohamed Dhamac
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!