Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Maanso Kusoo Dhawaynaya Bisharamadaan.

0
Thursday April 23, 2020 - 11:03:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Maanso Kusoo Dhawaynaya Bisharamadaan.

    Bishii khayrkaa fooda inagu haysa dhugasho wacan maansadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishii khayrkaa fooda inagu haysa dhugasho wacan maansadan.

 

Waxa iftiintay ramadaan,

Ajarkeedu weynahay,

Aakhiriyo aduuna

Ugu khayr badnatee

Allahayow na garransii.

 

Ayaan cibaadu weeyoo,

Anbiyadu ducaysoo,

Aayadaha qur'aankuna,

Kusoo dageen aduunkee,

Allahayoow na garansii.

 

Aadan iyo intuu dhallay,

Allihii abuurtaaa

Ugu dhigay mid waajibee,

Allahayoow na garansii.

 

Asxaabtii udgoonayd

Iyagaa cissayn jiroo

ka tuugi jiray ilaahee

inuu ku simo sabbankee

Allahayoow na garansii.

 

Allihii na uuntoow

Dunidan abuurtoow

adaan ku macbuudnahee

Nagaransii anaganoo

Nagu dar adoomaha

U baratanta khayrkeeda.

Hamse riiraash

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...