Xaqiiqooyinka Waaryaa & Covid 19
XAQIIQOOYINKA COVID 19 & SOOMAALIDA
1) Soomaalidii way diiday inay masaajidii xidhaan, 2) baskii waa sidiisii 3) suuqii waa sidiisii 4) booqashadii xitaa ehelka iska daaye ragbaa cusbataalka Martiini saaxiibkood ku soo booqday 5) gacan-nadiifshe (hand sanitizer) & afsaab (masks) warkooda daah 6) dadka badankiisu maalin qudha shaqada kama joogi karaan oo cunto looma hayo 7)SL sidii baa qaadkii soo dhacyeey la leeyhay 8) guryihii sidii baa 1qol ay 5 qof u seexdaan!
MAXAA XAL AH?
Intaanan xalka u galin waa inaynu ogaano waxa dad u shaqeeyaa qaar kale baanay u shaqaynin.
Horta waxa dalalka loo benadayaa (lock-down) sida shucuubta caalamka loogu sharaxay ama Soomaalida badankooda & madaxdooduba u fahmeen toona maaha! Dawlad masiibo ku habsatay & oday reer u weyni midna siduu wax u ogyahay uma sheeggo!
Dawladaha reer-galbeedku waxay banadka-dalalkooda uga gol leeyihiin inaan dadku intuu isku mar soo daato cusbataalada banaankooda dhaawac aan neefsiiye (ventilator) loo hayn oo xad dhaaf ah & bah-caafimaad oon afsaabyo (N95) ku filan loo hayni isku dul qumbacdaan!
Dalalkaasi markay qalab ku filan helaan ayay xayiraada qaadayaan, 60 cisho ka badana ma sii adkaysan karaan! Intay ka diyaar garoobayaan uunbay ku cimri dheeraysanayaan benadka!
Su'aashu waxay tahay, Afrikaanku diyaar garoowna kuma jirraan, dhaqaalihiisiina wuu burburinayaa! Swedenna xaqiiqdaas uun bay ogtahay oo aanay meelna u xidhin, waxayna tolatay shaadh iyada le'eg khasaaro iyo faa'iidana way u toog haysaa!
Haddaba, ka Soomaali ahaan waxaan xal u arkaa inaynu waxna ka qaadano caalamka waxna inagu falkisano, waxaana haboon in:
1) waayeelka la qalweeyo (beeraha & baadiyaha loo saaro ama maqaam gooni ah loo yeelo)
2) kala fogaanshaha la xoojiyo
3) iskuulada, masaajida iyo in meel kasta oo cidhiidhi ah & diyaaradaha la xidho
4) nadaafada & wacyi gelinta la kordhiyo
5) dadku afsaabyo wada xidhaan
6)bandooga habeenkii la horgeliyo (10 saacadood hadaad maalin kasta faafitaanka yarayso waa guul).
Laakiin, dadoow guryaha haka soo bixina oo ha shaqo tegina 1) waaqicina maaha oo cidina guriga ku macaluul kaa yeeli mayso 2) muhiimna maaha inaynu dhaqaalaheena saboolka ah u burburino ahdaaf aan la xaqiijin karin, waayo sida South Kuriya & Shiinaha xayiraadaha & baadhitaanka midna kama soo dhalaali karo!
Axmed-Assad
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!