Xaakim-Keedda Ii Noqo ( Abdi- Shotaly)!

0
Sunday April 07, 2019 - 18:57:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaakim-Keedda Ii Noqo ( Abdi- Shotaly)!

    Tix-dan waa mid waayo'arag ah, waxan ka tiriyey sidda xaalku uu beriyahan yahay, oo aan arkay dhaqano ku cusub Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tix-dan waa mid waayo'arag ah, waxan ka tiriyey sidda xaalku uu beriyahan yahay, oo aan arkay dhaqano ku cusub Somaliland, iyaddaa waaya-heedda ka waramaysa, oo sharax kale uma baahna, waa tix dheer qaadaa-dhigaysa dhamaan axwaasha iyo dhaqanadda soo-galaytiga ah, ee hadda ka taagan dal-keenii ( Waa Somalilande), ee ku soo dhawaw:-

Xalay baan Hambaabiray, Xili dhexe Habeenimo,

Xiribuu indhaha iyo, huro kala xanaaqeen.

Badan-koodda xidiguhu, Weli ay xaroonoo,

Xayn-daabka gododkii, Xudintii ku urureen,

Xaga sare daruurtiyo, Heego xoog u darareen,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo,Hadhaw bay is xamataa.

Saxan-saxo xareed-liyo, Onkod xawdu yeedhiyo,

Hilaac xaraka-deeyiyo, Cirka awr ku xidhanoo,

Faalka laga xidigi-yiyo, Ido xaaluf daaqoo,

Xidigtii dagaariyo, Xariijintii habaar qabe,

Ku xabaalay hooyee, Xajiimaha u jiidiyo,

Kuwo xiiqsan baa jira, Eray aan xariiqayn,

Misna Booli-xooftadda, xumba-doodu badan tahay.

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Mar xasuustay laxahii, Isku xeeray samadee,

Qaasim uu xidhiidh-shee.Xadi-geedi maan-deeq( tixddii maandeeq),

Gabay uu xaluushee, Xalaasheedda suugaan,

Rabbi xaasil uga dhigay,Markii uu xijaab-taan,

Xarfihii ilaawoon, Ka xishooday gabay tirin,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Rabbi xarafka diineed hadaanu, Aadmi ku xormayn,

Xayawaanka duur-kiyo, Xaydha-weynta duushiyo,

Xoola-haynu dhaqay-niyo,Xidin-xiidka shimbiraha,

Ayaan xaal la noqon layn, Xero aan la geli layn,

Xusbadiina geliyoo, Ku xamdiya Illaahay,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Xamashadda qarsoon iyo, Xanta hoose sheegee ,

Mudaan xeerinayey, magac laygu xiiriyo,

Xafiis layvu dhawaaqoo, Is waydaarsho Xisaabtoo,

Xaaraantaa la cunaayo, Xantoobo weyn an ka qaatoo,

Khasnadaa an xambaartoo, Xaaluf aan kaga yeelo,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Xeeladdii socon weydoo, Hadda waaban xanaaqoo,

Ku xumaaday Hargaysee, Xil hadaanan helyn,

Xamar baan tegayaa, Xildhi-baan kolay-tay,

Mid xafiiska ilaasha, Kuwa xaadha dariiqa,

Xinka maan u maleegtoo, Xagaa maan u wareego.

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Xaalado la yaab-loo, Dalka toos u wadda xulay,

Xifaalaha la sheegiyo, Is xiniinyo taabasho,

La xafiiltan duul kale, Wanaag dabadda xaytiyo,

Shaal xumaani huwan tahay, Xeer in gaar lagu xidho,

Ku xariiqi hoosta'e, xafid oo Diwaan geli,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakimkeedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Xadda kale waxay tahay, Askarigii xadhaadh-yoo,

Xinjuruu ku maydhaa, Xiidmihiyo midhi-cirkii,

Xubna-leydda seedaha, Xamaguu la ledayaa,

Xurguf ruux keenoo, Xawdda wuxu ku jarayaa,

Abalay xaadna reebine, xaq miyuu u leeyahay?

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Imisaa ku xiiqoo, Ku xabeebtay cunihii,

Wuxu kala xadeeyoo, Xigto hoos u siiyiyo,

Inta qoys ku xeerani, Hanti-deeni xada-yaan,

Xog markaad ka sheeg-tana, Xabsi-gaad u hoyatiyo,

Ciidan lagugu xoon-shaad, Xashee u halis tahay,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Xusbi-yadda mucaaridku,Xagal daacan joogiyo,

Dalkii wuu xumaadee, xal haddiiaykeenaan,

Xinbaad ku soo roga, dhabar jibinta ku xayira,

Xirfadaha qabiil-nimo, kuli-good ku xoonshoo,

Xariir aniga iga dhiga, xuuraana iga dhawr,

Ummadani ma xulata-ba, Kii xanaano siin-laa,

Way kala xabaadhaan, Sidda xoolo degel joog,

Waxay daba xushlee-yaan,bello ay u xeebtaan,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa,

Kulmiyahan xanaaq-sane, Xadan-tooday baqahee,

Xubnihii is jarayee, Xantii-saba ogaynee,

Xaga dambe habeeddii, Ku xineeyey kaadidda,

Sidda roob xagaayo ah, Xoox beena lisayee,

Xafladaha ku beretama,Xoolo ay ku cunayaan,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa,

Xeebaha dhamaan-tood, Xaaxee-yaddii badaha iyo,

Kaluunkii xidaysnaa, Xorfaddii shidaal-kiyo,

Xisaabtii turkiga iyo, Kuwa xidhan khamiis-yadda( Shuyuukh-dda),

Xuduudaha Imaaraad, Kuwayt iyo xageeddaa,

Xamashaa ka joogtee, Ha micneeyo Xaajigu.

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa,

Ninkii xoorka dhami jirey, Xaabaduu wareejaa,

Xaafidal quraankii, waa Xawaalad dooniyo,

Xasyeysiinta Ribadoo,Gadhkii xamash intuu dhigay,

Uu u xaytay maradduu, Xeelado qarsoodiya,

ku dirtaa xisaabtoo, jebi Xeerki diineed.

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa,

Dhalin yaro is xoodoo,

Dhaqan-koodu xooroo, Surwaalkii xaglaha dhigay,

Qadaadkii ka xiirtoo, Xaragaddii sidaa biday,

Cidna aan Xaq dhawrayn, Waalid aan xushmay-nayn,

Naf-toodana xanaanayn,saw ma dhaanto xuunshadu?

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Weriyaal la xidha iyo, Kolay tahay xoriyad- qawl,

kani wuu xujooboo, xaalad qoys ayuu galay,

Xafiis-koodi loo dhacay, Ka gurteen xamaamtii,

Kaad xambaar-sanayd shalay, Xansaskii ma kugu gubay,

Xaska beerka kuu dhigay,weli xulafo kuu yahay,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Xaqa kii hitiqin jirey, Xoogsi buu ka doortoo,

Ma suldaan xariiriyo, Xeer-beegti baa hadhay,

Sawkan xadhiga goostee, Xaafadaa u shaqo tagay.

Xusul duubka hablihii, Saw ma xagafsa-naayaan,

Xayo ruux lahaan jirey, Miyaa laga-ba xiirta,

Xujo miyaa la sheegaa, Xinku Faraha kama bixin,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa,

Xil-yadan is daba maray, Saw xumaani may dhigin,

Xareedii wadhnayd iyo, Xayaab-leydi geedaha,

Xiisihii cambuushiyo, Xanafley uneexiyo,

Xuukaddii dhuun-yaalaha, Xidid-leydi doonbiri,

Cilalkii xaguu maray, Saw abaari may xigin,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Meeye xamakaw-ggii iyo, Xangeeyiyo marooriyo,

Hob-hobtiyo xasiiddii,Xamartiyo gobkii baxay,

Xabxab-kiyo farsuuddii, Xabagtii la cuni jirey,

Fara-dheere xanash-loo, Xidhka aan ka guran jirey,

Markay xayski waayeen, Saw ma xaaqmin kuligood,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Xamarkii fardood iyo, Xadigeed ugaadhiyo,

Xerta geeli tegi jirey, Adhi xaaska koriyiyo,

Maadhiyo xigii iyo, Xaabkii caleen-tiyo,

Xoday-giyo galoolkii, Xagarkiyo sarmaantii,

Inta xaabo lagu shiday, Ma xasuusan karaysaan,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Xirfad iyo aqoon shaqo, Qalin wuxu xaquuqa-ba,

Mid aan xaal u garanayn,Xog-hayaha ku magac dheer,

Xubin mudan wasiiradda, Xildhi-baan ayaan ahay,

Sarkaal sare ku xaadira, Shandad weyn xambaartoo,

Xaashado ka buux-shaa, Madaxnimo xil-keed dilay,

Afartaa Xaday-ddii, Xalaal aan u marin jirey,

Xarka aan ka tumi jirey, Xuubka aan ka qaadee,

Xaakim keedi ii noqo, Hadhaw bay is xamataa.

Xaawaley haween baa, Xafiis-yadda cidhiidh-yoo,

Xantii waxan ku soo helay, Xuuraanki aan galay,

Nabsi inu xad dhaafoo, Xagaaftii u jeexdoo,

Hadda xeebta soo degay, Xisaabtii is buuxisay,

Haduu xaynka haystaa, Kuwii doorashadda xaday,

Dadka kala xigtaystoo, Xadhi-goodi wuu go'ay.

Waa duni iblays iyo nin xumi ay adimayaane,wa duni ninkii aad ahaa, aakhiraw kacaye, waa duni aad-yar socodkii, eedo lagu moosay, waa duni abeeskii ka yahay, aadmi kaw wacane, waa duni ibtiladdii, ay orinay-saaye, af dhabaan-dhab mooyee, ma arag, ruux edaab wacane, Illahayaw adaa caadilee,qabo akaa-kawgan.

* N.B Ma Suldaan Xariiriyo, Xeer-Beegti Baa Hadhay!

Qore:- Abdi-Shotaly

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...