Wax Lagu Denaya Xabsiga Si Uu Ugu Dhinto ": Markay Mas'uuliyiinta Somaliland Xidhaan Weriye Muhiim Ah"
Suxufiga madaxa-bannaan ee Cabdimalik Muuse Coldoon ayaa muddo sannad ah ku xidhan Somaliland sababta oo ah wuxuu kashifay sinaan la'aanta bulshada wuxuuna ku dhaleceyay maamulka dalkiisa isago adegsanaya warbaahinta bulshada. Amnesty International waxay ku baaqday in la siidaayo.
Wuxuu kuxiran yahay qol 10 m² waxana kula xiran laba iyo toban maxbuus oo kale oo xanuunsanaya CORONA. Wa xa xabsiga lagu haya in u ku dhinto. " Waa tan qaylodhanti dhibka badan ee saxafiga Cabdimalik Muuse Coldoon uu uga warbixiyay qareenkiisii hore.
Waxaa lagu xirey xabsi ku yaal Somaliland (jamuriyada isked xorriyadda ay ka qaadatay Soomaaliya 1991-kii), 38-sano jirka saxafi madax-bannaan wuxuu inta badan ka xumaadaa sinaan la'aanta bulshada ee nidaamka dhulmiga ku dhisan ee Soomaaliland. Shabakadaha bulshada, wuxuu kuso bandhiga dadka aan xaqoga an helin sida daryelka cafimadka sababto ah waxay ka mid yihiin qabiilooyinka qaarkood.
Mubarik Cabdi, oo ah qareenkii hore ee saxafiga aha ee ku xidhan xabsiga Hargeysa, caasimada Somaliland, ayaa yidhi: "Dad badan ayuu kula xidhidhi jiray warbaahinta bulshada tasina waxay ka cadhaysisay hogaamiyaasha siyaasada oo an arinka an jeclaysan."
Mid ka mid ah barnamijkisi jelka ogadeniya, tusaale ahaan, wuxuu sabab u noqday in ay dhacdo dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Xabsi Ogaadeenya, haween iyo caruur aad u tiro badan ayaa lagu jirdilay waxa sabab loga dhigi jiray in ay ka tirsanyihin qabiil ku xiran Jabhadda Xoreynta Ogaadeenya iyo dhaqdhaqaqyada siyaasadeed ee kaso horjeda mamulka.
Dastuur fikradeed ah
Cabdimalik Muuse Coldoon ayaa lagu xidhay magaalada Burco ee Somaliland bishii Abriil 17, 2019. Maxakamada Gobolka Hargeysa waxay ku xukuntay saddex sano iyo bar oo xadhig ah iyada oo danbi loga dhigay "baahinta dacaayadaha ka dhanka ah qaranimada Somaliland iyo wararka been abuurka ah”. Maxkamadda racfaanka isla degmada ayaa mar labaad ku dhawaaqday isla xukunkii.
Hay'ada u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International waxay ugu baaqday mas'uuliyiinta inay si dhakhso leh u sii daayaan saxafiga reer Somaliland: "Xariga Abdimalik waa mid aan sabab lahayn, maadaama loo fuliyay amar maxkamadeed la'aantiis, sidaas darteedna ay ku xadgudbeyso Qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland, kaas oo dhigaya in booliisku ay ka helaan warqad amar maxkamadeed garsoore ka hor inta aan la qaban ama xidhin shaqsiyaadka.
Dastuurka Somaaliland waxa uu dammaanad qaadayaa xaqa xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda. "Waxaan haysanaa dastuur qurux badan, laakiin nasiib darro mas'uuliyiinta kuma dhaqman," ayuu yiri Mubarik Cabdi, oo ah qareen hore u ahaa saxafiga. Sidoo kale wuxu joojiyay ku shaqeynta qareenimo sababtoo ah marki "cadaadis dibadeed" ku imi. Qareenku wuxu dalka Turkiga imika ahan aqoon jamacaded ka birsanaya oo ah sharciga caalamiga ah heer master ah , laakiin kama rajo-qabo inuu waligiis ku laabto waddankiisa.
Sida ay qabto Amnesty International, mas'uuliyiintu waxay adeegsadaan ciqaab xad-dhaaf ah oo dambiilayaal ah, oo si qotodheer loogu dhawaaqo qodobka ciqaabta, si loo xad gudbo xuquuqda xorriyadda hadalka. "Shuruucda eedeeynta waa inaan waligood loo adeegsan in lagu aamusiyo suxufiyiinta, difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa. Weerarada lagu qaado suxufiyiinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa, ay kujirto adeegsiga eedeeymaha magac bixinta dambiyada. , waxay noqon doontaa ku xad-gudub xuquuqdooda xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda, ”ayaa lagu yiri bayaanka.
Cadaalad an madax-bananay
Kiiska suxufiga Cabdimalik Muuse Coldon maha kis kisa oo kaliya waxa Somaliland jira kisas kale oo lamid ah, sida uu caddeeyay warbixin khabiir madaxbanaan ah oo warbixin ka bixinaya xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliland.
Kadib howl galkiisii uu ku tagey Somaliland bishii Juulay ee sanadkii 2019, Kormeeraha reer Tanzaaniya Bahame Tom Nyanduga wuxuu walaac ka muujinayaa jebinta maxkamad cadaalad ah oo dammaanad ka qaadeysa in saxafiga laga ilaaliyo dhibaataynta booliiska: ka dhanka ah shaqaalaha warbaahinta firfircoon ayaa la duubay muddadii sanadka ahayd: 28 suxufi ayaa la xiray saddex tv station oo warbaahineedna waa la hakiyey toddobadii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2019, kuwaas oo afarta kiis oo keliya loo diray maxkamad. "
Isla warbixintaas, dalka ku yaal Geeska Afrika wuxuu wajahayaa dhibaatooyin badan: "Booliisku waxay ka mamnuuceen qareennada inay matalaan macaamiishooda la qabtay waxayna diidayaan inay u caddeeyaan maxkamada danbiyada lagu haysto. […] Qareenada waa la cabsi galiyaa waxaana lagu maxkamadeeyaa maxkamada milatariga. madax banaanida garsoorka lama ixtiraamo. "
"Maamulka ayaa doorbidaya inay xabsiga ku aamusiyaan”
Sida ay soo warinayso wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey 574 maxbuus oo loga cabsiqabo in u cudurka 'coronavirus' ku dhex fafo.
Maxay mas'uuliyiintu u sii dayn waayeen Cabdimaalik Muuse Oldon?
Markii ay la xiriirtay RTBF, maamulka Somaliland wax jawaab ah kama bixin.
Dhibaatooyinka Coronavirus, booqashada NGO-yada waa la mamnuucay qareenkii hore sidoo kale wuxuu ka baqayaa in xaaladaha xabsigu ay ka sii dari doonaan. Mubarik Abdi wuxuu sharxayaa in xaaladda caafimaadku aysan fiicnayn: "U qufacayaa waxaana ku hareereysan maxaabiis inta badan buka. Mas'uuliyiintu waxay ka helan in saxafiyinta nucan oo kake ah in ay ku jesjesan madamo ay necebyihin. Waxayna doorbidaan inay ku dhex kharajiyan xabsiga."
* N.B Dil Qarsoon Baa Jeelka Loogu Reebay.
Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!