Ramadan Aan Taraawiixda Lagu Tukaneyn Masaajidda
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha ha'yadda culimada Soomaaliya ayaa sheegay in xilliga bisha Ramadaam ay dadka guryaha ku tukan karaan maadama misaajidda qaar ee dunida laga mamnuucay saaladda jamaacada si looga hortaggo inuu faafo fayraska corona.
"Haddii daruufuhaas saameeyeen... awaamiirta ka soo bexeysa waddamada misaajidda xiray oo kale ayaa raaceysaa haddii waajibka la joojiyay, guryaha ayaa la isaga tukan karaa... wixii isku guri ahba qof iyaga ka mid ah ayaa tujin kara."
Wuxuu sidoo kale sheekha sheegay in xilligan lagu gudo jiro cudurka safmarka ah ee Covid-19, aysan laheyn wax axkaam ah oo gaar ah balse dhibaato ay horseeday.
"Runtii xilligan Coronavirus lagu gudo jiro axkaam gaar ah oo uu leeyahay majirto, laalkin qofka muslimka ah haddii Ramadaanku yimaado in uu soomo ayaa ku waajib haddii uusan laheyn cudur daar kale."
Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli, oo ka mid ah culimada Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya ayaa BBC-da u sheegay in dhibaatada ka dhalatay coronavirus aysan saameyn ku yeelan diyaargarowga bisha barakeysan ee Ramadaan iyo guud ahaan diintaba.
"Diyaargarowga ruuxda iyo iimaanka
dadka saameyn badan bey ku laheyd marka shaki ma lahan in bisha Ramadaanku ay
dhinacyo badan ka saameyneyso dadka cibaadooda iyo soonkooda", ayuu yiri.
"Soonka waa cibaado ka madaxbannaan misaajidda, iyo saaladda ku xiran in masaajidda lagu tukado," ayuu hadalka kusii daray Sheekh Maxamuud Shiblii oo BBC-a u warramayay.
Salaadda Taraawiixda
Qeybo badan oo ka mid ah dunida
muslimka ayaan taraawiixda laga tukan doonin bishan ramdaan maadama la xiray
misaajidda. Sida culimada ay sheegeen "salaadda taraawiixda waa
sunno".
Culimada qaar waxay ugu baaqayaan in dadka taraawiixda ay guryahooda ku tukan karaan "maadama markii horeba ay ku haboneyd in lagu tukada guryaha."
"Salaadda taraawiixda guriga bey kaga fadhli badneyd markii horeba, gurigana waa lagu tukan karaa," ayuu yiri Sheekh Shibli.
Sacuudi Carabiya ayaa dhawaan shaacisay in Salaadda taraawiixda iyo salaadda Ciidda lagu tukado guryaha, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dalkaas ee SPA.
Muftiga Boqortooyada Sacuudiga Sheekh Cabdulcasis al-Sheekh ayaa sheegay in Jamaacada salaadda taraawiixda aanan misaajiddada lagu tukan doonin sannadkan sababo la xiriira tallaabooyinka ka hortagga faafidda coronovirus.
Talooyinka dowladda Soomaaliya ee ka hortagga Covid-19 xilliga bisha Ramadaan
Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda Soomaaliya waxay qodobo kasoo saartay qaababka looga hortaggi karo cudurka xilliga bisha Ramadaan.
- In la badiyo ducada, Alle abriga iyo Qur'aan akhriska, masaajiddana laga qanuudo
- In la gaabiyo waqtiga salaadda jimacaha oo aysan ka badan 15 daqiiqo
- In masaajidda aysan tegin dadka qufacaya ama dareemaya qandho
- in xilliga salaadaha jaamacada la isku xijiyo Aadaanka iyo aqimka
- In masaajidda laga bilaabo barmaajiyo lagu taakuleynayo qoysaska danyarta ah
- In la joojiyo casharidii diiniga ahaa ee laga bixin jiray masaajidda
- Imaamyada waa inay dadka ka wacyigeliyaan halista cudurka
- In qofka marka uu masaajidka aadayo uu sanka iyo afka soo xirto
- In qofka uu nadaafadda ku dadaallo
- In qofka uu cimaamaddiisa gaarka ah iyo saligiisa gaarka ah soo qaato marka uu masaajidka imaanayo
Saameynta dadka danyarta ah
Saameynta cudurka uu ku yeelanayo bisha Ramadaan ka sokow, waxaa uu sidoo kale saameyn ba'an ku yeelanayaa nolosha dadka danta yar ee ku nool gudaha Soomaaliya ama dadka ku jiro xeryaha qaxootiga ama kuwa dalka gudihiisa ku barakacay. Dadkaas waxaa ka mid ah barakacayaal ku sugan xeryaha ku yaalla hareeraha iyo gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Khadiija Macalin Maxamed iyo carruurteeda 9-ka ah waxay kasoo barakaceen dagaal beeleed dhawaan ka dhacay deegaanno hoostago degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna hadda ku sugan tahay geed ku yaalla degmada Deyniile, waxay BBC-da uga warrantay xaaladdeeda.
"Hoy ma heysanno, waxaan cunno ah ma heysanno, horteenna soon waaye meel aan seexanno ma heysanno," ayay tiri Khadiija Macalin Maxamed oo la hadleysay BBC-da.
Sheekh Bashiir Salaad ayaa ugu baaqay shacabka inay taageero u fidiyaan dadka barakacayaasha ah maadama ay yihiin dad nugul oo u baadan caawin.
"Waxaan soo jeedinayaa in loo dhug yeesho dadka barakacayaasha ah ee baahan… waa dad tiro badan oo deggan meelo isku raran ah caafimaad ahaan iska liito... dadka noocaas ah in laga war qabo ayaan soo jeedinayaa".
Xayiradaha coronavirus ee Ramadaanka
Sacuudi Carabiya waxay muslimiinta ugu baaqday in dadka saaladda taraawiixda ay ku tukadaan guryahooda halka Masar ay mamnuucday goobaha dadka lagu afuriyo.
Inta badan dalalka muslimiinta waxay xireen misaajidda si looga hortaggo faafitaanka cudurka.
Balse, Pakistana waxay ka qaaday xariyaadii saarneyd masaajidda si loogu tukada halkaas, waxayna soo rogtay tallaaboyin kale oo lagu xakameynayo in uu cudurka faafo sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay dowladda soo saartay.
Waddankan ku yaalla Koonfurta Aasiya, ayaa ku soo rogay xayiraad bil ka hor, waxaana xilligaas la ogolaaday in masjid walba ay ku tukan karaan ugu badnaan shan qof markiiba.
BBC