Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Sheegay inaanay Ramadaan ahayn & Xilliga Soomayo

0
Thursday April 23, 2020 - 03:42:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Sheegay inaanay Ramadaan ahayn & Xilliga Soomayo

    Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Sheegay inaanay Ramaddaan ahayn & Xilliga Soomayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Sheegay inaanay Ramaddaan ahayn & Xilliga Soomayo


Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ee Hargeysa, ayaa sheegay inaanay Ramaddaan ahayn oo aan la arag Bisha, sidaas awgeedna la dhammaystirayo 30-ka bisha Shabcaan oo Khamiista ku buuxda, Jimcahana si rasmi ah loo soomi doono maalinta koowaad ee Ramadaan.


Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa uu sheegay in Roobab ka da’een inta badan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo ay Culimada Wasaaraddu heegan kaga jireen, sidaas awgeedna aan bisha laga arag Somaliland iyo inta badan Dalalka Islaamka oo uu sheegay inay xidhiidh la sameeyeen caawo ahaan.
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL CABDILLAAHI AXMED RAMADAAN 2020.jpg

Sidaa daraaddeedna aanay caawa oo bisha Shabcaan 30 tahay taariikhda Islaamka, oo ku beegan 23-ka bisha April, balse habeen dambe oo ku beegan 24 April ay Ramadaan koow noqon doonto oo la soomi doono haddii Illaahay idmo.

Mar Su’aal laga weydiiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, waxa laga yeelayo Salaadda Taraawiixda ee Ramadaanta laga oogo Masaajiddada iyo Cibaadada kale ee Masaajiddada lagu camiri jiray, maaddaama oo ay Ramadaan tahay bil Cibaado, horena ay Dowladdu u soo jeedisay in laga baaqsado Salaadaha Jamaca ah ee Masaajiddada la isugu yimaaddaa, si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Dunida aafeeyey ee Covid-19, taasna Dad badani ka dhego-adaygeen.

Waxa uu sheegay Wasiir Khaliil in loo baahan yahay maaddaama oo ay jirto cabsida Cudurka Corona-virus oo Somaliland lix kiis hadda maraya, inay Culimadu Dadkooda u naxariistaan oo haddii aanay daynayn Taraawiixda ay soo gaabiyaan, isla markaana waxa uu Wasiirku sii adkeeyey go’aanka ay hore u soo saareen Guddiga heer Qaran ee ka hortagga Covid-19 oo uu Xubin ka yahay ee ahaa in Dadku guryohooda ku tukadaan Salaadaha ay Jamaca u tegi jireen ee Faralka ah, Taraawiixda oo Sunne ahna ay habboontay inay iyana guryohooda iskaga tukadaan.

Sheekh Khaliil waxa uu Allaah ka beryey inuu inna gees-mariyo oo aanu innagu sii fidin Xanuunka Covid-19 ee Dalalka Caalamka isaga gudbay. Waxaanu soo jeediyey in lagu Xamdi-naqo Raxmaadka Gu’ga ee Illaahay innoo shubay iyo nimcooyinka kale ee Allaah inna siiyey-ba, si uu innoogu siyaadiyo naxariistiisa, ducada iyo is-kaalmayntana la badiyo.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...