Shacabka Jabuuti Oo Wajahaya Natiijada Ka Dhalatay Keligii Taliyaha Awooda Ku Haysta Iyo Laba Dhibaato Oo Hada La Daris Ah+Sawiro
Jabuuti(HWN):-Shacabka wadanka Jabuuti ayaa wajahaya xaalad adag oo ay ka dhaxleen kaligii taliyaha awooda ku haysta ee Ismaaciil Cumar Geelle.
Shacabka dalka Jabuuti oo intooda badan ay noloshoodu hoosayso isla markaana uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku sababay inay ku noolaadaan fakhri xoogan oo noloshooda daris la noqday ayaa haatan wajahaya dhibaatada kaga imanaysa xanuunka coronavirus iyo dhibaato ka dhalatay daadad ku dhuftay magaalooyinka dalka.
Shacabka Jabuuti oo ka cabanayey amarka bandooga ah ee lagu soo rogay oo sababay in noloshoodu halis gasho maadaama aanay guryaha ku haysan cunto ay ku noolaadaan ayaa mar kale barakac xoogan la kulmay ka dib markii guryaha dadka shacabka ah ay buux dhaafiyeen daadad xoogan oo ka dhashay roobab maalmihii ugu dambeeyey ka dayey magaalooyinka dalkaasi.
Dawlada Jabuuti ayaan ilaa hada qaadin wax talaabo ah oo ay ku samata bixinayso shacabka dhibaatada adag wajahaya, waxaana jira guux hoose oo ay shacabku kaga soo horjeedaan dawlada isla markaana keeni kara inay iska rogaan heeryada kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |


0 





















