Safiirka Midawga Yurub Oo Ka Hadlay In Somaliland Laga Qadiyey Lacag Ay Ku Caawiyeen Soomaaliya
Hargeysa(HWN):-Safiirka midawga yurub u qaabilsan soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa ka hadlay warar soo baxay oo sheegaya in midawga yurub uu somaliland ka qadiyey lacag labaatan milyan ka badan oo loogu deeqay soomaaliya.

Ambassador Berlanga ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in dawlada somaliland ay ka warqabto meelaha la mariyo gargaarka midawga yurub bixinayo ee somaliland.
Safiirka midawga yurub ee soomaaliya ayaa fariintiisu dhignayd sidan:-
Waan ku faraxsanahay inaan ka hor imaado macluumaadkan. Maamulka ayaa horeyba u ogaa khadadka EU-da ee gargaarka ee tagaya Somaliland, oo ay ka mid yihiin wacyigelinta / ololaha wacyigelinta, qalabka ay hoos tagto WHO, iyo suurtagalnimada Taageerada Miisaaniyadda.



0 





