Muuse Biixi Oo Degdegiisu La Galay Inuu Shacabka Ka Tacsiyadeeyo Xildhibaanad Nool Iyo Hadhwanaag Oo La Xidhiidhay Ehelada Xil Cibaado Maax Cilmi

0
Wednesday April 22, 2020 - 16:31:23 in News by
  • Visits: 3089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Degdegiisu La Galay Inuu Shacabka Ka Tacsiyadeeyo Xildhibaanad Nool Iyo Hadhwanaag Oo La Xidhiidhay Ehelada Xil Cibaado Maax Cilmi

    Muuse Biixi Oo Degdegiisu La Galay Inuu Shacabka Ka Tacsiyadeeyo Xildhibaanad Nool Iyo Hadhwanaag Oo La Xidhiidhay Ehelada Xil Cibaado Maax Cilmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Degdegiisu La Galay Inuu Shacabka Ka Tacsiyadeeyo Xildhibaanad Nool Iyo Hadhwanaag Oo La Xidhiidhay Ehelada Xil Cibaado Maax Cilmi


Hargeysa(HWN):-Degdega hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sababay inuu dhambaal tacsi ah u diro ehelada xildhibaanad ka tirsan golaha deegaanka Gabiley oo ku xanuusanaysa wadanka Ingiriiska.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Weli Safarkiisii Addis Ababa Ku Guddo ...


Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi oo ka tirsan golaha deegaanka Gabiley oo dhawaan safar ku tagtay wadanka Ingiriiska ayuu haleelay xanuunka Coronavirus taas oo haatan lagu dawaynayo cusbitaal ku yaala magaalada London.


Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo aan iska hubsan warar soo baxay oo sheegayey in xildhibaanadu ay geeriyootay ayaa markiiba dhambaal tacsi ah u diray ehelada iyo shacabka somaliland balse goor dambe oo maanta ah ayuu xafiiska warbaahinta ee madaxtooyadu ka saaray baraha bulshadu ku kulanto oo dhambaalka tacsida ah ee madaxweynaha lagu baahiyey.



Dhambaalka tacsida ee ay madaxtooyada somaliland sida hubsiimo la,aanta ah u soo dirtay ayaa waxa lagu yidhi "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha deegaanka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariisteeMarxuumad Xildhibaan Cibaado Maax Cilmioo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 21/04/2020, dalka Ingiriiska.


Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi golayaasha degaanka ee dalka, gaar ahaana golaha deegaanka ee gabiley oo marxuumadu ka mid ahayd, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska reer Maax Cilmi, meel ay kala joogaanba.


Dhinaca kale xubin ka tirsan qoyska xildhibaan Cibaado Maax Cilmi ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in dhakhtarkii ay taalay uu u xaqiijiyey inay nooshahay isla markaana uu kula hadashiiyey hab maqal iyo muuqaal ah.


Xubintan ka tirsan qoyska xildhibaan Cibaado ayaa sheegtay in xaalada caafimaad ee xildhibaanadu ay haatan ka soo raynayso.


dhambaalka tacsida ah ee aan la hubsan ayaa markhaati cad u ah degdega iyo caadifada ay ku salaysan yihiin talaabo kasta oo uu qaadayo hogaamiye Muuse Biixi taas oo ah mid aan ka fiirsasho lahayn.


 

Loading...
Loading...