Cisbitaalka Guud Ee Badhan Oo La Xidhay Iyo Sababta
Maamulka Cisbitaalka guud ee Degmada Badhan
Maamulka Cisbitaalka guud ee Degmada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag ayaa sheegay inay si ku meel-gaadh ah u xidhayaan Cisbitaalka Magaaladaasi.
Agaasimaha Cisbitaalka Axmed Jibriil Cali Salaad ayaa sheegay in sababta ay u xidhayaan inay tahay Cabsi laga qabo Xanuunka dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19, maaddaama buu yidhi aan Shaqaalaha Caafimaadka ee Cisbitaalkaa ka hawl-galaa aanay haysan Qalabka lagaga gaashaanto Coronavirus.
Agaasime Salaad wuxuu sheegay inay sidaa u yeelayaan digtooni, si loo bedbaadiyo shaqaalaha Caafimaadka iyo Dadka kaleba.
Loading...
Loading...