'' Dagaalka Beelaha Sidee Loo Joojin Karaa''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Wednesday April 22, 2020 - 10:33:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Dagaalka Beelaha Sidee Loo Joojin Karaa''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Sanadihii 1911 ayaa dawladdii Ingiriisku ka baxday dhulka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadihii 1911 ayaa dawladdii Ingiriisku ka baxday dhulka Somaliland
marka lagga reebo xeebaha oo ay ku reebtay waxyar , waxaanay siisay beelaha waxoogay hub ah si ay isaga difaacaan Daraawiishta , ka dibna beelihii baa hubkii iskula wada jeestay oo is madhiyay .

 

1914 ayaa dawladdii ingiriisku soo noqotay , waxaanay soo go;aan ku sheegtay in dagaaladii beelaha la joojiyay , beeshii dhibaato soo gaadhaana ay soo ashkatooto , dawladduna beesha gardaroota ay gacan birra ku qabanayso .

 

Maadaama dadku wada ogaa in dawladdu fulinayso go;aankeedda waxaa si degdega ah beelihii oo dhami u joojiyeen dagaaladii , dawladduna waxay dhex dhigtay heshiisyo laggu soo afjaray dagaaladii socday oo loo bixiyey Xaaraame-cune .

 

Dawladii ingiriisku iyadoo u diyaar garoobaysa sidii ay talaabo uga qaadi lahayd beelaha heshiiska jebiya waxay samaysay Ciidan boolisa oo u gaara wax ka qabashadda shaqaaqooyinka beelaha oo la odhan jirey , Somaliland Field Force , dadkuna waxay u yaqaaneen ciidanka Field Force , waxaanu ahaa boolis u tababaran sidda Milaterigga .

 

Sanadkii 1914 , waxaa heshiiskii jebiyay labadda Ardaa ee la kala yidhaahdo , Reer biniin , Ahmed farax Habar jeclo iyo Qaasin , Isaxaaq , Habar yoonis , kuwaasoo beesha qaasin xoolo ka qaaday Beesha makaahiil ee sacad muuse Beesha Reer biniina Ciise muuse , sidii balantu ahayd , beelihii la dhacay waxay u ashtakoodeen dawladii , dawladuna waxay qaaday talaabooyinkan .

 

1- Waxaa sahan buuxa laggu sameeyey guud ahaan deegankii labadan ardaa yaaleen .

 

2- markii la sugay sahankii labadan beelood , waxaa beel walba laggu qaaday weerar sadex goosood ah oo ciidankii Field Force ku qaadeen .

 

3- waxaa gacanta laggu dhaqay guud ahaan wixii adhi iyo geel ay beelahani lahaayeen , waxoogay aad u yar oo baxsaday mooyaane ,

 

4- Markii lagga jaray xoolihii ay horre u qaadeen oo la qoray , baaqigii waxaa lagga dhigay ganaax , sidaas ayaanay ku caydhoobeen biilihii dawladdu dhacday .

 

Boqol sanno ka dib iyadoo ay nasiib darro wayn tahay in dhacdooyinkii waayadaas taagnaa ay weli arladeena ka taagan yihiin , waxaan soo jeedin lahaa in dawladdu iyadoo tixraacaysa qoraaladdii waagaas dawladii ingiriisku qortay , gaar ahaan , British Somaliland government executive summery in ay samayso ciidan u gaara la dagaalanka shaqaaqooyinka beelaha , beelahana ula dhaqanto sidii dawladii ingiriisku ula dhaqmi jirtay , beel kasta oo heshiiska jebisana talaabo adag oo xanuun badan lagga qaado .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...