Somaliland Waxaa Caddaatay In Maamulku Somaliland ka jeestay.

0
Wednesday April 22, 2020 - 10:23:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Waxaa Caddaatay In Maamulku Somaliland ka jeestay.

    Dagaalada ka socda Sanaag way ku soo dhawyihiin inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalada ka socda Sanaag way ku soo dhawyihiin inay
TOGDHEER iyo Saaxilba Saameeyaan. Rabshadu waxay bilaabantay Salaadiintii iyo Madaxweynihii iyo shirkii Addis-ababa.  Waxkastoo hoos u jirayba ( ebby Centre) iyo keebka afka iyo qoriga la isu qabtay halkaasaa ka bilaabantay.

 

Jabhadda lagu dhawaaqday waa raggii laamida inamada midna ku DILAY DILAY midna ku dhaawacay roux dumarka ku dhimatay  isla markiiba duulaankii Fadhigaab la qaaday. Beelo walaalihi ma jiraan hadaladaasi waa munaafaq nimo ee ciddii dagaal ka bilaabaysa waa isu diyaar dadkaa bilaa dawladda noqday wixii dagaalkaa bilawday ay ku kala calafqaadaan bay noqonaysaa. Imika waxaa inamo reer sheegtay wadadii Burco iyo Ceerigaabo u dhaxaysay la fadhiisteen oo ay qaadicul dariiq caddaysteen hub iyo weerar wixii gawaadhi Ceerigaabo ku socda taasina waxay keenaysaa in Berbera iyo Burco na qoryo la isla taago oo Laascaanood iyo Burco la isla taago oo Hargeysa iyo Berbera la isla taago oo nimankaa yidhi degaankayaga gaawaadhidaan isu taagaynaa iyo gawaadhidoodu aanay mari doonin Berbera iyo Hargeysa iyo Burco dhexdeeda waa hubaal inay sidaasu dhacayso waayo  dawladdii yarayd ee Gabiley iyo Hargeysa iyo Geeddeeble isku koobtay way u hanjabeen oo Askarta Sannaag joogtaa waa annagay yidhaahdeen markaa waxay nu sugnaaba dagaaladooda ay balaadhiyeen.

 

Waxaana way soconayaa inta lagu andacoonayo labada beelood ee walaala JINBAA WALAALA AH ee wadanku Xaalad cusub oo muddo laga soo shaqaynayey buu galay.

 

Agaasimaha Madaxtooyadaa lagu weydiiyey labadiisano waxba maydin qabane ka Warran  Wuxuu ku jawaabay ninkii weynaa ee suudhka xidhnaa Wadadii Gabiley waan dhammaynay, waddaddii Berbera iyo Hargeysa waanu WADNAA, Dekeddii waannu wadnaa wadadii Muse Biixi gurigiisa  gelaysay waanu dgammaynay tii  boorame waa usoo soconaa. Waxaasi waa intii xukuumadda qoyskaloogu bixiyey ee La arkay wadadii caailaddii Ismail Omar Geelke la qaaday oo SOMALILAND waa la iska tuuray . Kol haddii reer yari shaqaalihii wadanka iyo mashaariicdii qaatay waa dagaal iyo kala yaac.

 

Waxaasoo dhami waa burbur dadkoo dhan u muuqda. Hubaal marka Sannaag iyo TOGDHEER la isku dilo Saaxil iyo Maroodi jeexna was la isku dilayaa.

 

M Bashe

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...