Sawiro:-Dhakhaatiir cusub oo ka shaqo bilaabay Isbitaal Martini
Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda deg-degga ah (ACU) ee isbitaalka ku xirtay labaatan
Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in sida ugu haboon, uguna dhaqsaha badan loo xakameeyo cudurka CODIV-19 ayaa qalabkii caafimaad ee loo baahnaa u dhameystirtay isbitaalka Martini, oo loo asteeyay in lagu daweeyo bukaanada uu soo rito cudurka dheereeya, ee dunida oo dhan dhibaatada badan ku haya.
Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda deg-degga ah (ACU) ee isbitaalka ku xirtay labaatan (20) sariirood oo loo dhameestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa, si loogu xanaaneeyo dadka xaaladoodu aadka u adag tahay.
Isbitaalka waxaa sidoo kale laga hawlgeliyay dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahan yahay, oo ay ka mid yihiin 10 dhakhtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka Digfeer horey uga shaqayn jiray, hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale dhawaan ka hawl billaabaya la taliyaal sare oo caafimaad, oo ku takhasusay maareynta cudurada faafa iyo cudurada neef mareenka.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
Isbitaalka oo laga hawl billaabay March 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay. Afar ka mida bukaannadii la jiifiyay ayaa cudurka ka bogsooday, dibna looga saaray, waxaana xilligaan jiifa 17 bukaan oo xaaladooda lagula tacaalayo, kuwaas oo uu ka mid yahay Bashiir Qaasim Maxamed oo cadeeyay inuu ka helay adeegya caafimaad oo tayo leh.
Dowladda oo sheegtay in horumarinta la sii wadayo ayaa bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad, maadaama marka uu xanuunka soo rito dadka qaba xauunada raaga ay wax ka qabashadoodu adag tahay.
Loading...
Loading...