Xukuumadda Kheyre oo digniin culus u dirtay Ganacsada & Masiibo laga digay

0
Wednesday April 22, 2020 - 09:22:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Kheyre oo digniin culus u dirtay Ganacsada & Masiibo laga digay

    Xukuumadda Kheyre oo digniin culus u dirtay Ganacsada & Masiibo laga digay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Kheyre oo digniin culus u dirtay Ganacsada & Masiibo laga digay

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed uga digay inay qaaliyeeyaan maceeshadda wadanka, waxaana uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono Ganacsatada macaash ka dhex raadisa xaaladaha adag ee wadan ku jiro maadaama Ganacsatada loo sameeyey cashuur dhaaf 100% ah iyo weli ba badeecadaha qaar oo cashuurtii laga dhimay 50%.




Wasiirku, wuxuu sheegay in Ganacsatada looga baahan yahay inay u naxariistaan shacabka isla-mar-ahaantaana ay maanta garab u noqdaan shacabkooda maadaama wadanku uu ku jiro xaalado aad u adag oo uu sababay cudurka COVID-19. Isaga oo sidoo kale na ku booriyey inay maal-gashi ku sameeyaan wax-soo-saarka wadanka sida Xoolaha, Beeraha, Kalluunka iyo waxyaabaha la hal-maala si loogga maarmo waxyaabaha dalka dibaddiisa laga soo dhoofiyo.



Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu tilmaamay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS ay wado dedaalo badan oo ay wax kaga qabanayso Ganacsatada isku deyda inay qaaliyeeyaan maceeshada wadanka, waxaana uu cod dheer ku muujiyey in dawladdu ay fulisay codsigii Ganacsatada ee ahaa in cashuur dhaaf loo sameeyo sidoo kale na wax laga la qabto caqabadihii jiray ee dhinaca badeecadaha wadanka imanaya sidaas darteed na loo baahan yahay in Ganacsatadu na ay waajibkooda gutaan oo ay umadda u naxariistaan.
Loading...
Loading...