Bukaan ku jiray xarun karantiil oo ku geeriyooday magaalada Garowe
Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu xaqiijiyey geerida
Guddiga Puntland u qaabisan ka hortagga Cudurka Coronavirus ayaa Warbixin ay soo saareen waxaa ay shaaciyeen in qof looga shakiyey Cudurka COVID19 baarisna loo direy uu geeriyooday.
Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu xaqiijiyey geerida qofkaas oo aysan sheegin halka uu Puntland kaga geeriyoodey,hayeeshee ay sheegeen in weli la sugayo natiijada baaritaan dhinaca deegaanka ah oo ay ka qaadeen.
Sidoo kale Guddiga ayaa Warbixintooda maalinlaha ah waxaa ay ku sheegeen in la karantiilay sagaal ruux oo looga shakiyay xanuunka COVID-19,isla markaana dadkaasi ay baaritaan u diri doonaan si loo xaqiijiyo badqabka Caafimaadkooda.
![]() |
Loading...
Loading...