Abwaan caan ah oo lagu dilay Muqdisho & DF oo tallaabo deg deg ah qaaday
Abwaan caan ah oo lagu dilay Muqdisho & DF oo tallaabo deg deg ah qaaday
Shalay Gelinkii dambe ayaa Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado waxaa ay Xaafada Arjantiin oo ka tirsan degmada Kaaraan ku dileen Abwaan ka tirsanaa Kooxda Hobollada Qaranka, gaar ahaan kooxda ciidamada Booliska,waxaana dilkaasi ka hadlay Booliska Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa loogu tacsiyadeeyay qoyska iyo Asxaabta uu ka baxay Abwaan Baashi Macalin Maxamuud oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya.
![]() |
"Dhamaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dableyda Alifleeyda iyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (xijaar) Allaha unaxariisto Abwaan Baashi oo ahaa nin ee ku weentahay Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka waxuuna aha Sargaal ka tirsan Ciidan Booliiska Soomaaliyed waxa uuna ka baxay Dhamaan umadda Soomaliyeed ayaa lagu yiri”Qoraalka Booliska.
Loading...
Loading...