Midawga Yurub oo Soomaaliya ugu Baaqay inay Joojiso Ku Tacaddiga Saxaafadda Madaxa-bannaan
Midawga Yurub oo Soomaaliya ugu Baaqay inay Joojiso Ku Tacaddiga Saxaafadda Madaxa-bannaan

Hargeisa(HWN):-Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa waxa uu dowladda ugu baaqay in ay joojiso caburinta ka dhanka ah saxafiyiinta, si loo helo xog dhameystiran oo ku saabsan xaaladda Waddanka.
Safiirku waxa uu sidaa ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, ka dib markii uu ka soo baxay Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo Dowladaha Soomaaliya Saaxiibka la ah.

"Naqdintu waa qeyb ka mid ah dimuquraadiyadda, jaan-gooynta xorriyatul-qowlkuna maaha wax wanaagsan. Sidaas darteed, haddii Suxufiyiinta la xaddido, laga hor-istaago xogta, taasi maaha daw.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Safiir Nicolas Berlanga.
Dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa waxaa dhowr jeer lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah Warbaahinta oo isugu jira Xadhig, Cabbudhin, Caga-juglayn iyo kala-qaybin, sida ay marar kala duwan ku eedeeyeen Soomaaliya Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadamaha iyo Ururrada Saxaafadda ee gudaha iyo kuwa caalamku-ba.
Waxa Baaqan Safiirka Midawga Yurub ku soo beegmay wakhti maalmihhii u dambaysay Ciidammada Dowladdu Weriyeyaal Warbaahinta madaxa-bannaan ee Muqdisho ka hawlgala qaarkood xidheen, halka ay kuwo kalena jidh-dil iyo hatigaad u geysteen.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...