Somaliland: Tirada Guud ee 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay laga Baadhay Covid19

0
Tuesday April 21, 2020 - 22:34:26 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Tirada Guud ee 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay laga Baadhay Covid19

    Somaliland: Tirada Guud ee 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay laga Baadhay Covid19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Tirada Guud ee 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay laga Baadhay Covid19

Hargeisa(HWN):-Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa bulshada la wadaagay xogta maalin laha ah ee wasaaradda caafimaadka ee ku saabsan xannuunka coronavirus isagoo sheegay in 11 qof ay ku maqan yihiin shaybaadh dibadda ah, sidoo kale tirada karantiinka ku jirta ayaa iyana ah 11 ruux. 



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland wuxuu xusay in 1,217 qof 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay laga baadhay xanuunka kuwaas oo xuduudaha dalka kasoo galay iyadoo laga eegay calaamadaha xanuunka coronavirus kuwaas oo laga waayay astaamo muujinaya inuu Xannuunka Covid19 hayo.

Agaasime Xergeeye ayaa bulshada ka codsaday inay mashquulinta ka daayaan lambarka gargaarka deg degga ah ama (Call center-ka) kaas oo loogu tala galay in loogu addeego dadka ka cabanaya xanuunka CORONAVIRUS ama u baahin wacyigelinta iyo tallooyinka.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Soomaalilaand
Loading...
Loading...