"Gacanta Hala Saaro Beesha Nabada Jabisa…"Cali Waran-cadde
Hargeisa(HWN):-La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Maxamed Waran-cade

Hargeisa(HWN):-La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Maxamed Waran-cade ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaada kasoo cusboonatay gobolka Sanaag ee u dhaxaysa labada beelood ee halkaa wada degga.
Siyaasi Cali Maxamed Waran-cade ayaa Xukuumadda iyo shacabka Somaliland ugu baaqay in si midaysan gacanta loo saaro beesha jebisa hashiiska si ay ugu cimbro qaataan, beelaha kale iyo cid walloo ku sugan gudaha dalka.
"Runtii arrintaasi waa arrin dhexdin leh, horenna waxaan u idhi waa Boog innagu taala. Boogtanna haddaan la daawayn mar-ba way damqataa, runtii maraa waa arrin fool-xun oo u baahan in si uun loo xaliyo oo loo dhammeeyo.

Binni'aadamku wuu isku dhacaa oo la yaab malaha, laakiin mararkii danbe ee meeshaas dagaalku ka dhacay waxyaabaha mushkuladda innagu ah ee fool-xumadda leh waxa weeye dhawr jeer baa loo gar-naqay labadda beelood, dhawrkaa jeer kumaynaan guulaysan ileen Binni'aadamku haddii wax dhex marraan oo loo gar-naqo oo la heshiisiiyo, marka danbe cid uun baa gardaradda yeelata oo wax soo kicisa, markaas siddii Illaahay uu innoo sheegay waa in cidda gardaradda leh ee joogsan wayda labadda dhinac dhinaca uu doono ha noqdee waa in gacanta la wada saarraa ilaa ay toobbad keennayaan ee heshiiska qaaddanayaan. Mushkuladda inna haysataa waxa weeye mar qudha lama odhan yaa gardaradda lahaa oo heshiiskii jebiyay? dabaddeedna talaabo lagama qaaddin." Ayuu yidhi Siyaasi Cai Warancadde
Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Haddii mar danbe nimankaas la isku keeno oo heshiis la dhex dhigo waa in loo sheegaa cidda heshiiskaas jebisa in siddii Illaahay innoo sheegay uu Xukunkooddu noqonnaayo oo talaabo adag laga qaaddaayo." Ayuu yidhi Cali Maxamed Warancadde
"Dhibaatada innoagu dhacday waxa weeye dhawrka jeer ee arrintu soo noqnoqtay mar walba waxa innaga baxsatay haddii hashiis hore loo galay yaa danbiga leh oo dabadeed cidda lagu helo aynu dambiga ku qaadno oo gacanta la saaro dawlad iyo shacaba , waxa iman lahayd in la kala baqo ” ayuu yidhi Siyaasi Cali Maxamed Warancadde
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...