Sheeko Qosol Leh..W/Q Ayuub Talaabo

0
Tuesday April 21, 2020 - 18:26:41 in Articles by
  • Visits: 1546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Qosol Leh..W/Q Ayuub Talaabo

    Sheeko Qosol Leh..W/Q Ayuub Talaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheeko Qosol Leh..W/Q Ayuub Talaabo

Image may contain: 1 person, sunglasses, beard, closeup and outdoor


Tan iyo intii lagu jirey stay home waxa sare u kacay rabshadaha qoysaska(domestic violence ilay luuq kasta waa layskagaso hor baxay oo gurigiiba waa la xiijiyee.

Waxay wayday telefoonkeedi gacanta waxay soo qaadatay telkii xaajiga si ay isu wacdo dabeed u daydayato mobile keeda.

Shaw xaajigu nin haasaawe badan buu ahaaye. Wuxuu ku save gareeyey telkeeda COVID19.


Waxay ahayd marwo caqli badane may cadhoon mana buuqin ee aayar bay iyaduna ku save garaysay PANDEMIC VIRUS.


Aduun waa ceeryaale maalintii danbuu isna kiisi waayey si uu u helo garaac buu is yidhi telkiisi wuxuuna soo qaatay keedi mise waaba PANDEMIC VIRUS. Yaap?


U yeedh naa maxad iigu qortay masiibadan caalamiga ah miyaanan xaajigagi aad jeclayd ahayn ayuu su'aalay?


Xaaskii: Ismayba dhibine waxay aayar tidhi adigu mxd igu qortay masiibada weyn ee Covid miyaanan ahayn xaaskagi aad jeclayd?


Xaajigii: De xbbt social distancing'kaan ilaalinayo waxaan kaala foganayey inaad qaado masayr iyo isku-buuq!


Xaajiyadii: de ana waxaan kuu aqoonsaday virus safmarka haweenka kkkkkk.

Allahayaw mxa wax isu muuq-muuqda!

FG:Maaha dhab ee waa mala-awaal aan isku dhaafinayey stay home'ka.

 
 
 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...