Dekedahee Ayaa Laga Rarayaa Xoolaha Uu Sucuudigu Sheegay In Loo Soo Dhoofinayo?
Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay xayiraada ay dawlada Sucuudigu shaacisay inay ka qaaday xoolihii loo dhoofin jiray.
Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadu u diyaar garoobayso sidii ay dalka uga bixi lahaayeen xoolo caafimaad qaba oo gaadha wadanka Sucuudiga.
Wasiir Siciid Sulub oo ka hadlaya xayiraada laga qaaday xoolaha ayaa waxa uu yidhi "Xoolihii hore inooga xidhnaa ee aynu u dhoofin jirnay waxa laga qaaday xayiraadii, dawlada Sucuudiguna waxay inoo fasaxday hadaynu somaliland nahay iyo soomaalidii aynu kala gonay inay soo dhoofiyaan xoolihii, tiro ayaana la cayimay inay ka badnaan iyo inay ku eekaana ilaahay ayaa og, waxa imika la fasaxay lix boqol oo kun oo adhi ah (600,000) iyo boqolkun oo geel ah (100,000).”
Sidoo kale wasiir Siciid Sulub ayaa shaaciyey halka ay ka dhoofi doonaan xoolaha uu sucuudigu iibsanayo waxaanu yidhi "Xoolahaasi labada dekedood ayey ka dhoofi doonaan marka aynu ku xisaabtano shuruudihii ka soo baxay dalka Sucuudiga, hal maxjar oo Boosaaso ah iyo laba maxjar oo Berbera ah ayey xooluhu ka dhoofayaan, anagana labada maxjar ee Berbera ayaa na khuseeya.”
Maxjarada magaalada Berbera ayuu wasiir Siciid Sulub sheegay inay hada diyaar u yihiin sidii caafimaadka xoolaha loogu sugi lahaa "Anaga labada maxjar ee Berbera ayaa na khuseeya, ka wasaarad ahaana waxaanu u diyaar garawnay caafimaadintii xoolaha maxjaraduna waa diyaar, adhiilahana inta aanu iska aragnay ayaamahanba way ku jireen saylada oo way diyaarsadeen, mudada ugu horaysa ee lagu diri karo xoolahana waxa weeyaan 21 maalmood ee ugu horeeya marka la eego wakhtiga la shaaciyey in xayiraadii laga qaaday xoolaha.”
Sidoo kale waxa uu Siciid Sulub fariin u diray ganacsatada adhiga "Shuruudaha lagu xidhay xoolaha inay sidoodii u fulaan ayaanu ku tala galaynaa, dadka somaliland ka dhoofiya xoolahana waxaan uga digaynaa inaanay berbera geynin xoolo aan caafimaad qabin oo aan shuruudahaas lagu xidhay buuxin Karin, anaguna sii deyn mayno wax cuduradaas laga waramay ah ama wax u dhimi kara ganacsiga xoolaheena.”