"Dawladdu Waxay Iigu Hanjabtay Lacag Qaado Ama Waannu Ku Dilaynaa"..Madaxweyne Axmed Madoobe

0
Tuesday April 21, 2020 - 17:33:12 in News by
  • Visits: 2993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dawladdu Waxay Iigu Hanjabtay Lacag Qaado Ama Waannu Ku Dilaynaa"..Madaxweyne Axmed Madoobe

    "Dawladdu Waxay Iigu Hanjabtay Lacag Qaado Ama Waannu Ku Dilaynaa"..Madaxweyne Axmed Madoobe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dawladdu Waxay Iigu Hanjabtay Lacag Qaado Ama Waannu Ku Dilaynaa"..Madaxweyne Axmed Madoobe


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta ku andacooday in uu diiday dalab lacageed oo dowladda federalka usoo bandhigtay si uu meesha uga baxo.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo barlamaanka Jubbaland ka hor hadlayay ayaa yidhi,’’ Waxaa maanta aniga sharaf ii ah inaanan reer Jubbaland dhaafsiisan 20 milyan oo dollar oo afka la iigu shubo, Mana jiro macno aan ka gorgortami karay.

XOG XASAASI: Hoggaamiye Axmed Madoobe oo joojiyay wafdi u socday ...


Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in loo hanjabay oo loogu goodiyay haddii uu xilka iskusii dhajiyo in la dilidoono loona adeegsandoono dowladdo shisheeye. Waxa uu tilmaamay in dowladda federalka dad usoo adeegsatay in sidaas loogu goodiyo.


‘’Jubbaland, culayska ugu badan aniga ayuu igu dhacayay, waxay gaartay in la idhaho lacag qaado oo meesha isaga tag. Wiilasha isiinayay amarkaas waxay ahaayeen wiilal yaryar oo aan dowladnimada waxba ka aqoonin. Waxaa intaas ii dheer hanjabaado iyo in la yiraahdo waan ku dilaynaa iyadoo la kaashanayo dowladda shisheeye,’’ ayuu yidhi Axmed Madoobe.


Axmed Madoobe wuxuu ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inay miiska wada hadalka isugu yimaadaan oo ay ku kala baxaan dastuurka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale uu baaq udiray dowladdaha Turkiga Ethiopia iyo Qatar isagoo ka codsaday inay joojiyaan dhaqaalaha iyo ciidamada ay tababarayaaan ee uu sheegay in lagu dhibaataynayo Jubbaland.

Loading...
Loading...