Xukuumada Muuse Biixi Oo Xabsiga Dhigtay Afar Fanaan Oo Qaarkood Ka Tirsan Yihiin Xidigaha Geeska

0
Tuesday April 21, 2020 - 17:29:31 in News by
  • Visits: 4741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Xabsiga Dhigtay Afar Fanaan Oo Qaarkood Ka Tirsan Yihiin Xidigaha Geeska

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Xabsiga Dhigtay Afar Fanaan Oo Qaarkood Ka Tirsan Yihiin Xidigaha Geeska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Xabsiga Dhigtay Afar Fanaan Oo Qaarkood Ka Tirsan Yihiin Xidigaha Geeska


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa xabsiga dhigtay fanaaniin ka tirsan kooxda xidigaha Geeska iyo qaar kale oo ka soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.


Warar soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyey in ciidamada boolisku ay xabsiga ku hubsadeen afar fanaan oo qaarkood ka tirsan yihiin kooxda Xidigaha Geeska kuwaas oo ka soo laabtay magaalada Muqdisho.

Image may contain: 2 people


Wararka ayaa sheegaya in fanaaniintan oo kala ah Barwaaqo Qalanjo oo ka tirsan kooxda xidigaha Geeska, Saalax Carab iyo Xamda Qaali ay ku xidhan yihiin xarunta dembi baadhista, iyada oo wararku xaqiijiyeen in ciidamada dembi baadhistu ay sheegeen inay iyagu haystaan fanaaniintan ka soo laabtay magaalada Muqdisho.


Sidoo kale fanaanada Ifraax Hargeysa oo iyaduna ka tirsan kooxda xidigaha Geeska ayey wararku sheegayaan inay ku xidhan tahay saldhiga xaafada Cabdi Iidaan ee magaalada Hargeysa, iyada oo ilaa hada aan la cadayn sababta keentay xadhigeeda.

Image may contain: 1 person

Xadhigan ayaa ku soo beegmaya iyada oo xukuumada talada haysa ee Muuse Biixi ay si gaar ah u ugaadhsanayso fanaaniinta iyo suxufiyiinta safarada ku taga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Loading...
Loading...