Wadamada Itoobiya Iyo Kenya Oo Ku Dhawaaqay Kiisas Cusub Oo Coronavirus Ah
Hargeysa(HWN):-Xaaladda Fiditaanka Caabuqa Coronavirus ee keena cudurka Covid 19 ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya oo xaaladdiisu werwer weyn keenayso kadib markii gaar ahaan dalalka Geeska Afrika laga soo wariyay in kiisas hor leh oo cusub laga helay shalay waddamada Kenya iyo Itoobiya oo aynu ood-wadaagta nahay.
Waddanka Kenya ayaa warbixin Caafimaad oo ay shalay soo saareen waxa ay ku sheegeen In laba qof oo cusub laga helay Caabuqa Koroona Fayrsan kaasi oo saddex ka dhigaya dadka illaa imika laga diiwaan galiyay Magaalada Nayroobi ee Caasimadda waddanka Kenya.
Madaxwaynaha Kenya Uhurru kenyatta oo Warbaahinta la Hadlay ayaa Sheegay in la Hakiyay dhammaanba Duulimaadyada Ka Iman Jiray Dalalka uu illaa imika Caabuqani ugu badan yahay sida Shiinaha, Iiraan, Talyaaniga, Faransiiska iyo meelo kale waxaanu sheegay in Kenya walaac weyn qabto oo ay isu diyaarinayso sidii ay u karantiili lahayd dadka looga shakisan yahay in ay xambaarsan yihiin cudurkan.
Madaxwaynaha ayaa intaasi ku daray in Fasax la Galiyay dhammaanba Dugsiyada dalkaasi Kenya iyo sidoo kale Jaamacadaha Wadaankaasi si loogo Hortago fidista Xanuunkan. Dhinaca kale xukuumadda waddanka Itoobiya ayaa Iyana sheegtay in saddex qof oo hor leh oo baadhitaano lagu sameeyey laga helay Caabuqa Koroona Faysar kaasi oo walaac weyn abuuraya maadaama Itoobiya yahay waddanka xidhiidhka isu socod ee ugu weyni innoo dhaxeeyo.
Wasaaradda Caafimaadka waddanka Itoobiya ayaa sheegtay in dalkaasi isku diyaarinayo sidii uu ula tacaali lahaa kiisaska cusub ee Korona Fayras kadib markii hore looga helay nin Jabaaniis ah imikana laga helay saddex qof oo kale taasi oo tirada inta la ogyahay illaa imika ka dhigaysa afar qof oo kale.
Arrinta layaabka leh ee dhinaca kale dalka Ingiriiska laga hadal hayo waxa ay noqotay markii shalay Boqoradda waddanka Ingiriiska Queen Elizabeth ay ka carartay qasriga Boqortooyada dalkaasi Ingiriiska ee ay ka deganayd kaasi oo lagu magacaabo Buckingham Palace cabsi ay ka qabto cudurka Koroona darteed iyada oo la sheegay in ay u baxsatay goob tuulo ah oo ku taalla deegaan miyi ah oo dalkaasi Ingiriiska ku yaalla oo cidlo ah si ay uga fogaato buuqa, dadka badan.