Cadaalad La'anta Shaqaalaha Mutadawaciinta Ah Iyo Eexda Masuuliyiinta Dawladu Waa Kaaf Iyo Kala Dheeri

0
Sunday April 07, 2019 - 14:34:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaalad La'anta Shaqaalaha Mutadawaciinta Ah Iyo Eexda Masuuliyiinta Dawladu Waa Kaaf Iyo Kala Dheeri

    Qaybta 1aad-Qormadan maanta waxaan yara dul istaagi doona dhiiri gali la,aanta haysta da'yarta somalilaan iyo jalaafooyinka ay kala kulmaan xarumaha dawlada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta 1aad-Qormadan maanta waxaan yara dul istaagi doona dhiiri gali la,aanta haysta da'yarta somalilaan iyo jalaafooyinka ay kala kulmaan xarumaha dawlada. Wiilashan iyo gabdhahan waxay in mudo ah ku soo kalahaayeen xafiisyada dawlada oo ay ku shaqaynayeen mutadawacnimo ama lacag la,aan si ay u rumeeyaan rajada iyo hiigsigooga oo ahaa in ay shaqaale rasmi ah ka noqdaan xarumaha tacabka badan ay soo gasheen lakiin riyadoodi waxaa beeneeyey masuul aan lahayn xaqsoor iyo cadaalad kuna fikiraaya sidii inta jeebka ugu jirta iyo reerkiisa u keeni lahaa. Arinkani wuxu dhabar jab ku yahay da'yartii ku soo dhiiran lahayd in ay dalkooga u huraan naftooda iyo maalkoogaba si ay uga qayb qaataan marxaladaha kala duwan ee dalku maraayo oo u baahan in dhalinta da'dayar ee wax soo baratay lagu kala saarilahaa qalinkooga si ay meesha uga baxdo hagardaamooyinka qarsoon ee masuuliyiintu ku hayaan dalka iyo dadkiisaba waana arin aad looga xumaado sii socodkiisu.


Geesta kale dhibta iyo niyad jabinta muwaadiniinta ay ku hayaan masuuliyiintu maaha mid lagu soo koobin karaayo hal iyo laba lakiin xaaladu waxay ka sii daraysaa maalinba maalinta ka danbaysa waxaanad arkaysaa dhaliinyar badan oo ka cabanaysa masuuliyiinta ugu sareeya xarumaha ay u soo samrayeen mudo badan. Hadaba kala saarista iyo kala qob,qobku wuxu dhaliinyar badan ku kalifay in ay dalka iskaga cararaan oo ay raadsadaan meel dhaanta meelihii hore ay ugu hongoobeen si ay nolol cusub u bilaabaan walaw mararka qaarkood dhib badan ay kala kulmaan duruufaha adag ee masuuliyiintaasi kula soo dhaqmeen halka qaarkood noloshaba ka dhacaan marka ay arkaan waxyaabaha ku dhacay kuwii ka horeeyey ee ay ahaayeen asaxaabta iyo qaraabada oo faaruqiyey goobihii ay ka naawilayeeen mustaqbal wanaagsan. Arinkani maaha kii ugu horeeyey ee ay la kulmaan dhalinyar u hamuun qaba in ay xoogooga uga fa,iideeyaan dadkooga iyo dalkoogaba lakiin sartu waxay ka qudhuntay masuuliyad la,aanta inaga haysta in si cadaalad ah wax lagu qaybiyo muwaadiniinta u dhashay dalka oo dastuurku siinaayo in si siman oo mad,madaw lahayn ku helaan waxay xaq u leeyihiin walaw haba yaraatee.


Si kasta oo ay wax u jiraanba waxaa in badan dhaliinyartaasi is waydiisaa su,aalo badan oo ay ka mid yihiin:

Ø Goorma ayaa la heli doonaa la xisaabtan dhab ah?
Ø Masuulku ma qaranka ayuu matalaa mise reerkiisa?
Ø Maxaa keenay in nin jeclaysiga iyo qaraabo kiilku inagu bato?

Dhamaan su,aalahan iyo kuwa kale oo halkan lagu soo koobin karin ayaa ka dhex quuxaaya dhalinyarta dhibtan kala kulmay masuuliyiintoodii ay door bidaayeen in ay wax u qabtaan, si kastaba ha ahaatee waxaynu heli karnaa la xisaabtan dhab ah marka qarannimadu ka waynaato qabiilka oo masuulkasta la yimaado sinaan iyo cadaalad dhab ah. Waxaynu u baahanahay masuul u shaqeeya qaran lakiin u shaqaynin qooskiisa oo dantiisa iyo ta reerkiisaba ka hormariya danta guud ee qaranku leeyahay isaga oo muhiimada siinaaya in qarankan horumarkiisu ku jiro danta guud ee aanu ku jirin dan gaar ah. Hadaba baahidayaha badan iyo masuuliyad daradu waxay keentay qaraabo kiil iyo qof jeclaysi ku habsaday dhamaan xarumaha aan lahayn hogaan adag oo ku taagan danta qaranka..........................................

La saco qaybta labaad oo aan ku eegi doono xaqiiqda dhabta ah ee hada ka jirta xarumaha dawlada.


Qore:Ahmednour Mohamoud Khalif.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...