Kornayl Muuse Biixi oo Xilalkii Qaranka u miisay Jifaddiisa hoose Iyo Sedbursiimada uu sameeyay!

0
Tuesday April 21, 2020 - 16:12:05 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Kornayl Muuse Biixi oo Xilalkii Qaranka u miisay Jifaddiisa hoose Iyo Sedbursiimada uu sameeyay!

    Kornayl Muuse Biixi oo Xilalkii Qaranka u miisay Jifaddiisa hoose Iyo Sedbursiima uu sameeyay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kornayl Muuse Biixi oo Xilalkii Qaranka u miisay Jifaddiisa hoose Iyo Sedbursiima uu sameeyay!

Hargaysa(HWN):-Cadaalada darada oo goob walba xaradhaamisay, Xilalkii qaranka oo jifo kaliya lagu taxay iyo Sadbuursamadii oo isku badashay xaafad ama qoys qudha.


Tani waa xaqiiqooyin ku qotoma xog ururin dhab ah, Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudani Muuse Biixi Cabdi, wuxuu xafiis walba ka hawl galiyay shaqaale hoosaad iyo agaasime waaxeedyo ay isku hayb hoose yidhiin (Reer Samatar) oo uu kala xidhiidho wasaaradaha, uga warbixiya xafiisyada ay joogaan, si hoosana uugu yeedho waa aaminaad daro halkii ugu saraysay taasoo muujinaysa in masuuliyiinta uu xililka u magacaabo aanu aaminsanayn, ku kalsoonayn, kana shaki qabo. Waxa uu wadankii ka hirgaliyay siyaad bakhaar ku dhisan in la aamino qoyska oo kaliya, taas oo gadhsiisay heer qarankiiba u eekaday Xaafad kaliya. 
Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabis sameeyay

Tusaale- Wasaarada Maaliya wiilka ugu dambeeya ee sii daaya lacagaha waa wiil walaashi dhashay uga soo warama wasarada maliyada kharashad Mara, halka wararka dhagdhagaynta ahna u qaabilsan yihiin masuuliyiin iyo shaqaale reer samatar ahi, waxa taa la mida diiwangalinta dhulka oo wiil uu abti u yahay qaabilsan yahay wasaradda hawlaha guud, inta badan dhamaan haayadaha wasaaradaha kala duwan waxa loo magacaabay agaasimayaasha maamulka iyo lacagta, iyo xilal kaleba masuuliyiin Reer samatar ah , kuwaas oo madaxwaynahu si hoose ula xidhiidho iyaguna si hoose uga warbixiya….., ta labaad waxa meel lagaga dhacay wada lahaanshiyihii , cadaaladii iyo u sinaantii fursadaha shaqo iyo kuwa xileedba, balse intii uu muuse biixi cabdi yimid wuxuu xilalkii iyo mansabyadii ku wada taxay beesha hoose oo sida koron korada u rasaysan Haayadaha kala duwan ee qaranka. Aamiinaad darada uu ku qabo masuuliyiintiisa iyo xidhiidhadan hoose ee uu la leeyahay dadyawgan uu hayadaha kala duwan geeyay ayaa sababatay in ay awoodo saa’ida ku dhax yeeshaan goobihii shaqo iyagoo masuulkastaba ugu habranayo madaxwaynahan ay la xidhiidhayaan, iyo iyagii oo faan ka dhigtay inay madaxwaynaha la joogeen, u tageen la sheekaysanayeen. Bal aynu eegno wasaaradaha iyo hayadaha kala duwan ee qaranka sida loo aafeeyay, taas oo iska daa Somaliland’e, sacad muuse iyo Awalba ay banaanka ka taagan yihiin.

Waxaynu halkan ku soo bandhigaynaa masuuliyiinta Magacaaban ee Haayadaha kala duwan ee dawlada jooga intii aynu ka gaadhi karaynay, oo dhamaantood ah Reer Samatar, halka shaqaale hoosaadku aanu tiro lahayn haday tahay wasaarado, haayado madax banaan, kastam cashuureed iyo ilo dakhliba, bal ila dhugo Masuuliyiinta iyo haaydaha kala duwan ee ay ka hawl galaan.

Haayadda Duulista Iyo hawadda

1.Ahmed Mohamed Carab- Maamula Kuxigeenka Madaarka Ahna madaxa Nabadgalayada- waa ninka ugu awooda badan ee ku tagri fala awoodii Maamulka Madaarka Iyo tii Maareeyaha Madaarkaba, isagoo tacadiyo kala duwan kula kacay shaqaalaha Madaarka iyo hawl wadeenada kala gaddisan iyo shirkadaha ka hawlgala madaarkaba.

2. Ridwaan Faarax - Agaasimaha duulimaadyada- Dhawaan ayaa loo magacaabay, waxaanu gacan yare u yahay Maamule ku xigeenka Iyo Wakiilka Diyaaradda Ethiopian Airlines ee Muuse Biixi Abtiga u yahay

3. Ibraahim – Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Madaarka Egal International Airport

4. Ismail- maamule ku xigeenka Cashuuraha Ee Madaarka Egal International Airport Ka

Wasaaradda Arimaha Dibadda

5.Abdirahman Yaasiin- Safiir ku xigeenka Belgiumka Iyo Holland, waa Muwaadin Reer Djabouti ah, horana uga soo hawl galayay safaaradaha djabouti ee goobo kala duwan markii ugu dambaysana ahaa qusulka djabouti u fadhiya Fransiiska, iyadoo khatar ay ku tahay dhinaca xogta, siyaasadda iyo Waliba dublamaasiyada in masuuliyadan loo magacaabo muwaadin shisheeye ah oo xogta qaranka Somaliland la wadaagi kara Waddamo Shisheeye, Hadana si aan Loo ogaan, Madaxwaynuhu wuxuu u wakiishay Wasiirka Arimaha dibadda oo Magacaabay, halkii madaxwaynihu ka Magaacabi lahaa, warqadiisana aan la shaacin si aan dadku u ogaan.

6.Abdirahman Abdi Hassan- Wakiilka Ganacsiga ee Safaarada Addis Ababa (wuxuu qabtaa shaqooyin leexsan oo ah inuu shiidka ka keeno Hargeisa iyo inuu ubaxa qarsoodi madaarka kaga saaro, taas oo ceeb iyo meel ka dhac ku ah shaqada safaradeed iyo mida dublamaasiyadeed in shaqooyin gaar ah loogu isticmaalo sumcadii qaranka). Halka aanu wax shaqo ah oo ganacsi ka qaban ethiopia

7.Ahmed Ciise Abdi dheeg (Abu cumar)- Safiir ku xigeenka saffarada Sucuudi Arabaya, la magacaabay intuu muuse biixi joogay


Wasaaradda Caafimaadka

8.Dr Abdi Abdilahi National malaria program ee wasaarada Caafimaadka

9.Siciid Nuux, National Drug Authority



Wakaaladda Biyaha



10.Abdiraxman Abdi Abdillahi (Shiine) - Agaasimaha Shaqaalaha Ee wakaalada biyaha Hargeisa


Wasaaradda Qoyska Iyo Arimaha Bulshada


11.Eid sh. Muhumed Sagal- Agaasimaha waaxda qorshaynta wasaaradda qoyska



Wasaaradda Gaadiidka IyO Horumarinta Jidadka

12.Sucaad SH. AXMED CISMAAN- Agaasimaha Waaxda Maamulka & Lacagta


Wasaaradda Waxbarashadda

13.Ahmed cumer quule- Guddoomiyaha Kuuliyada tobabarka Macalimiinta Somaliland- la magacaabay muuse biixi intuu joogo


Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

14.AbdiAsiis Dheeg- Agaasime ku xigeenka Miisaaniyada Wasaarada Maaliyada

15.Abdiwahaab Ali Muhumed-Garaad- Agaasimaha Waaxda GPLG ga ee wasaarada

Macadhadka Tobabarka Shaqaalaha Dawladaha Hoose

 
Haayadda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha

16.Ismail Mohamed Ahmed- Lataliyaha haayada barakacayaasha Somaliland- la magacaabay intii muuse biixi joogay

Waxaa intaa dheer, Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta ee Wasaaradda Biyaha iyo haayadda kaydka Raashinka. Waxay dadkani warbixino hoose oo qaar dano shakhsi ahi ku jiraan, qaar ku xumayn iyo rufiyaanimo ka dhex wadaan hayadihii dawladda taas oo dhaxalsiisay inaanay shaqoba socon ee qof waliba qof iska ilaaliyo iyo umaddii oo madaxa la isku wada galiyay, tusaale Agaasimaha Madaxtooyada waxa gacanyare looga dhigay wiil uu Muuse Adeer u yahay kaas oo marka iyo xiliga uu doono Madaxwaynuhu ugu yeedho gurigisaa, kuna yidhaa dadka dhexdooda ha igula hadlin si aan la iskugu keen tuhmin, mida kastaabana waa sidaa, isagoo xiitaa la xidhiidhaya qar shaqaale caadiyaha ah balse qoyskiisa hoose ee reer samatar ah.

Tani Waxay jawaab u tahay in aan Sacad Muuse Iyo Awal ay soomaalilaandta kale wax la qabaan siday umadu u yaaban tahayna ay u yaaban yihiin,

Waxa taxanahan daba socon doona mashaariicda Naas nuujinta ah ee uu qoyskiisa iyo jifadiisa hoose ugu afduubay hantidii Umadu wada lahayd.


Loading...
Loading...