Madaxweyne Qoor-Qoor oo waajahaya Caqabado cusub Iyo Soo xulista Wasiirrada Galmudug

0
Tuesday April 21, 2020 - 14:38:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Qoor-Qoor oo waajahaya Caqabado cusub Iyo Soo xulista Wasiirrada Galmudug

    Madaxweyne Qoor-Qoor oo waajahaya Caqabado cusub Iyo Soo xulista Wasiirrada Galmudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Qoor-Qoor oo waajahaya Caqabado cusub Iyo Soo xulista Wasiirrada Galmudug

Hargeisa(HWN):-Galmudug oo waji cusub gashay, khilaafna Qarka u saaran kadib markii Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo runtii sidii loo soo doortay nabadayn iyo isku soo jiid ku jirey si uu uga dhabeeyo Galmudugta cusub ee la sugayo ayaa caqabado cusub soo waajaheen, kuwaasoo ay ka mid yihiin Ku xigeenkiisa ku soo baxay shaqsi aad u qalafsan, qabiili ah, la tashigiisuna liito.


Cali Daahir Ciid oo jifo ahaan ka soo jeeda beesha Celi ayaa wata liis magacyo ah oo madaxtooyada Soomaaliya looga soo dhiibay iyo dhalinyaro ay asxaab yihiin baa diiday inuu wax gorgortan ah ka galo Liiska kuraasta Mareexaan, isaguna u madax-banaan yahay oon lagu soo faragelin karin, halka Madaxweyne Qoor-qoor uu leeyahay, kuraasta guud ahaan iyadoon qabiil loo fiirin anaa Musuuliyeedu i saaran tahay oo Madaxweynihii ah.


Tan xigta kuraasta qaar baan dib u heshiisiin ku galnay oo ay tahay inaan ballantii aan qaadnay ka soo baxno, iyo inaan helno dad xul ah oo khibrad iyo aqoon leh, Galmudugna gaarsiin kara midnimo, nabdgelyo buuxda iyo horumar la taaban karo.


Dad aan kala xiriirnay Dhuusa mareeb ayaa noo cadeeyey in 2da nin ay u egtahay niman aan siii wadashaqayn karin talana isku raaci kara, waayo bey dheheen aqoon hore iskuma aysan lahayn, horena uma soo wadashaqayn. madaxweynaha meelbey uga dhegan-tahay, halka ku xigeenkiisa uu taagan yahay cid kale waxba igama gelin ee Qoorqoor iiga leexo liiskeyga.

Xogo hoose oon helnay ayaa noo xaqiijiyey in gacanta Madaxtooyadu si weyn ugu dhexjirto soo xulista wasiirada iyo ku xigeenada ku matali doona Beesha Mareexaan, si bey dheheen ay isaga ilaaliyaan in dad ku mucaaradsan soo galaan golaha wasiirada bedelkeedana keenaan rag lahubo inaysan meel kale wax la aadi karin , fududeeyayaalna u noqda xiliga doorashada 20/21.

Warar badan oo isa soo taraya ayaa tilmaamaya inuu raggaas ka mid yahay ganacsade lagu magacaabo Cabdi Jaamac (waayeel) deegaankana laga yaqaanno ahna ragga ugu dhowdhow Madaxweyne Farmaajo, beel ahaanna is xigaan da'ahaanna raggaan 70 ka ku dhow ah loo wado in wasaarad "A" ah ee beeshiisa ku soo aadda taas oo dadbani walaac ka muujiyeen sida shaqsi da'daas ah, ganacsade ah uu u raadinayo jagadaas, haddii bey dheheen aan ujeedo kale oo qarsoon caqabadna ku noqon karta Madaweyne qoorqoor, hoggankana lagula dhego.

Haddii ay dhacdo bey yiraahdeen in Madaxweyne Qoorqoor loo diido inuu masuuliyadda koowaad qaato ee soo xulista gole wasiirrada, ayna weli taagan tahay beeshayda yaan laygu faragelin ama Madaxweyne Farmaajo ku dhexjiro kana arriminayo yaa wasiir noqonaya, yaase w/ku xigeen noqonaya beeshiisa, Qoorqoor weyku adkaandoontaa hoggaaminta gole wasiirro oon mideysneyn iyo ku xigeen meelkale looga arrimiyo bay dad kala duwan oo deegaanka ahi rumaysan yihiin.

Waxaa Galmudug hadda ku sugan xildhibaano badan oo deegaanka ah, qayb weyna ka qaatay isu keenidda Xaaf iyo Qoorqoor, keentayna in qorshe lagu heshiiyo, Madaxweyne Xaafna saas ku tanaasulo. Sida wax ku socdaan waxay u egtahay in balantaas aan sidii lagu balamay loo oofin, maadaama ay gacan qarsooni iyo maskax qarsooni meesha ka arriminayso, taasima keenidoonto isku dhac iyo khilaaf hor leh.

Haddii sida la hadal hayo, golaha wasiirada lagu dhawaaqo maalmahan nagu soo aadan iyadoon la turxaan bixin dhamaan tabashooyinka, Dowladda Federaalkuna faraha kala bixin una madaxbaneyn madaxda dooran ee galmudug, waxay keeni kartaa in baarlamaanka Galmudug uu ansixinwaayo, xataa haddii sida la sheegay in badan oo ka mid ah wasiir ku xigeenno laga wada dhigo, waxay diidi doonaan kana caga jiididoonaan ansixinta golahaas si bay dheheen aysan qayb uga noqon khilaaf hor leh oo Galmudug dibna loogu celiyo maalmihii madoobaa ee aysoo martay.

Wadada ay u muuqato in galmudug cagta saarayso, haddii ay saan ku sii socoto, waa tii dhexmartay Madaxweyne Axmed Ducaale Geele (Xaaf) iyo ku xigeenkiisa, horseedayna burburkii dowladnimo ee Galmudug.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...