Caaqa Iyo Gabaygii Xaaji Aadan Af Qalooc. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

0
Tuesday April 21, 2020 - 14:45:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caaqa Iyo Gabaygii Xaaji Aadan Af Qalooc. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

    Axmaqa ama caaqu waa qof aan tudhaale iyo jixinjix toonna lahayn,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmaqa ama caaqu waa qof aan tudhaale iyo jixinjix toonna lahayn,
wuxu eebe weyne si gaara u siiyey ama u yeelay dabci iyo dabeecad qallafsan oo aan waxba xeerin, soohdinna aan lahayn.


Xaaji aadan axmed afqalooc ayaa gabaygan dhexdiisa ku dheeraystay inu inoo soo tebiyo qaar kamid ah Tilmaamaha iyo sifooyinka xun-xun ee qofka caaqa ahi leeyahay, gabaygani wuxu kamid yahay suugaanta xaajiga ee soomali hogatusaalaynta u ah, waa hogetus guud iyo hawaale warran, waxaanu Xaajigu adeegsanayaa aftahamo dheeraad ah oo uu in badan kaga gedisnaa abwaanadii la jaalka ahaa, wuxu si dhaba u adeegsanayaa humaagyada suugaanta soomaalida gaar ahaan humaaga ekeeyaha oo uu xaajigu ku muujinayaa dhaqanka iyo dabeecadaha caaqa. Wuxu xaajigu inoo soo banbixinayaa tusaalayaal dhowr ah kuwaas oo uu caaqa u ekeeysiiyey sida laboodka gunburiga oo laaya dhashiisa marka ay ifka yimaaddaan, taasoo keenta in hooyada gunburiga marka fooshu qabato ay la firdhato oo la fogaato, si ay ugu dhasho meel ka durugsan halka uu gunburiga lab ee weyni joogo.



Hadaba waxa jira xawayaano laaya ama dayaca dhashooda sida gumburiga, gorayada iyo kuwo daryeela oo ilo-xidh geeya cadowgana ka ilaaliya sida shimbiraha, iyo aboorka heestan ay ku luuqayso fanaanada caanka ah ee hibo maxamed hibo nuura taas oo tilmaan ka bixinaysa xawaanadaas ayaa tidhaahda:


·       Gorayadu ilmaheeda

·       Aroori bay dhigtaayoo

·       Aboodigu ku laayaa

·       Shimbirtuna aroosbay

·       Ila-xidhoo amaana bay

·       Ilmaheeda seexisaa

·       Kala awdan labaduye

·       Edebtiyo aqontiyo

·       Asluub bay isku dhaafeen

·       Caqligii wanaagsani

·       Itaal inu ka roonyahay

·       Bal eegoo u fiirsada.

·       Ilkoweyne maroodigu

·       Araduduu mirtaabaa

·       Cadowguna ka ugaadhaa

·       Aboorkuna dudumadaan

·       Aragnay buu dhistaayoo

·       Naftiisa ku ilaashaa

·       Kala awdan labaduye

·       Edebtiyo aqontiyo

·       Asluub bay isku dhaafeen

·       Caqligii wanaagsani

·       Itaal inu ka roonyahay

·       Bal eegoo u fiirsada.

·       Ma ogtihiin sakaaradu

·       Awaarahay qodaayoo

·       Saaladeeda ku aastaa

·       Libaaxuna ma asturee

·       Hilimadu ka arooraan

·       Siigadiisa ku aragnaa

·       Kala awdan labaduye

·       Edebtiyo aqontiyo

·       Asluub bay isku dhaafeen

·       Caqligii wanaagsani

·       Itaal inu ka roonyahay

·       Bal eegoo u fiirsada.


Sida xayawaanku u kala duwan yahay ayaa aadmiguna ukala gedisan yahay hadii xayawaanku leeyahay dar axmaq ah oo dhashiina aan daryeelin aadmiguna waa lamid wuxu leeyahay kuwo sida xaajigu sheegayo caaq ah oo aan edebta aadmiga aan lahayn. Gabaygu waxa uu curtay sannadkii 1967, waana duur-xul ku jihaysan dhaqankii xumaa ee madaxdii Soomaalida ee talada iyo masiirka ummadda sida axmaqnimada ah ugu gabbood falayey. Waxa uu yidhi 


·       Sheekooyin caaniyo qisada caarif laga yeelay

·       Iyo wakhtiyo caam ahaa sebenkii caws weyne

·       Dameer ceesh sidaa la ambadoo eey cawaansadaye

·       Carro bahallo liyo waxay mareen meel cidhiidhiyahe

·       Cabaadkii dhurwaagiyo wixii daalin caranaayey

·       Colkii habar-dugaag oo dhan buu eygii caabbiyeye

·        Wuxu ciyoba goortuu qadshuu ciil la gaamuraye

·        Cidluu kaga dhaqaaquu kolkaas cunay waraabiiye

·       Haddii uu ceshado wuxuu ahaa ciidan kaafiya’e

·       Caaquna waqiis keli cunkuu ku cimri waayaaye

·       Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline

·       Caadada gunburi leeyihiyo curuf xumaantiisa

·       Carruurtiisa tiisii lab buu cadawgu laayaaye

·        Cabsuu uga qabaa habarta maray cudud u yeeshaane

·        Ta dheddigina way camal taqaan caynka uu yahaye

·        Sidkeedoo cashooyin u hadhay bay ka carartaaye

·       Ilaa uu iska caabbiyo uma tagtoo waa cilmi Ilaahe

·       Cad naxaa kas-gaab kuma jiroo caabudaad ma lehe

·       Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline

·       Careef  badda qallacay oo biyaha ka cab awood waayey

·        Oo ciidda luguhuu la galay caawiye u baahday

·       Ciidamis rahii ugu yimuu cunay mansuukhiiye

·        Kolkaad nacas caqiibo u gashuu kula colloobaaye

·       Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline

·       Cagaa wuxuu ku xaadhiyo walwaal digadu waw cuude

·       Carfigiyo udgoonkaa diluu cadho la suuxaaye

·       Caqli xumada doqonkay dabciga curuf wadaagaane

·       Wixii caafimaadiyo dawada waa ka cararaaye

·        Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline

·       Haddaad cariso jinac ways cunaa cadho daraaddeede

·        Caarada u dheer iyo lugaha waysku celiyaaye

·       Naftiisuu cidhiidhyuu is yidhi waad ku ciil bixiye

·       Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline

·       Gorayadu col toogtiyo hadday cadow ka yaabayso

·       Cidi yay ku arag bay indhaha ciidda gelisaaye

·       Cidi inay ogayn bay la tahay caalamkoo idile

·       Waa ceeb axmaqu leeyahoon looga caal heline

·       Coongaar haween ahi hadday reerka ku cayaarto

·       Oo aanay casiiskeeda qaba cayda kala waaban

·       Ama ay ciddiyo dheer tahoo derisku soo cawdo

·        Oo aanay carruurta u arxamin caga yartay hayso

·       Cashada la eryo reeraha xigay calal u maydhaaye

·       Ciskii iyo libtii waxawgu xiga soo caddee dheriye

·       

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...