Arrinka ganacsade Axmed Cismaan Geele (ina Geele Arab). Faalo

0
Sunday April 07, 2019 - 14:29:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arrinka ganacsade Axmed Cismaan Geele (ina Geele Arab). Faalo

    Sida aynu wada ogsoonahay dawalada Djibouti waa dalka kaliya ee somaliyeed ee iskii madaxbanani buuxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aynu wada ogsoonahay dawalada Djibouti waa dalka kaliya ee somaliyeed ee iskii madaxbanani buuxda u haysta marka la eego gayga somalidu dagto marka laga tago dawlada itaalka daran ee ay colaaduhu ragaadiyeen ee Somaaliya.


Taasina waxay Djibouti ka dhigtay meel Soo jiidata hoy iyo dal ay ku tiirsadaana u noqota qaar ka mida ganacsatada somaliyeed haba kala hayn bataane, hadaba dawlada ka talisa hada Djibouti ee Ismaaciil Cumar hogaamiyaa siyaasad cad bay u jeexday oo taageero iyo taagulayniba la socoto ganacsadayaasha somaliyeed iyo kuwa caalamiga ah ba waa haday shuruudaha wada shaqaynta Ama si kale hadaynu u idhaa wada shaqaysiga buuxiyaane.



Hadaba Shuruudahaas ayaa ah laba uu kala doorto ganacsade kasta oo Djibouti soo gaadha bilawga baayac-mushtarkiisa, Shuruuda koowaad oo ah inuu iskii isaga shaqaysto ganacsaduhu waa ninka aan ogalayn in wax lala yeeshee, si kale hadeynu udhigno waa ganacsadaha door Bida inuu iskii ugu madax banaado gacansigiisa meel fogna ma gaadho inta badan iyo Shuruuda labaad oo aha inuu nidaamka ka Jabuuti ka jira la shaqeyto (ismaaciil iyo marwadiisa Khadra) saami la isla waafaqana uu siiyo ulul amiraga dalka badalkeedana uu helo naas-nuujimooyin ay ka mid yihiin cashuur dhaaf, hantidiisa ma guurtada ah oo loo balaadhiyo waa markuu u baahdee iyo in lala naadiyo kabitaan dawlada xageeda ah iyo amaaho bangiyada caalamiga ah ee dalka ku yaala kuwasoo iyaga laftooduna labadan sharuudood mid ka mida ku shaqeeya.


Hadaba Su’aashu waxay tahay ugu horayn Ahmed Osman keebuu qaatay labadaa shuruudood ee hor yimi bilawgii ganacsigiisa waa labada shuruudoodee aynu kor sheegnaye?


Waxanu odhan karnaa marka aynu ku saameelno aragtideena iyo xidhiidhka qotoda dheer ee wanaaga iyo is-ixtirqamkana ku dhisnaa ee ka dhaxeyay qoyska madax wayne Geele iyo Ahmed Osman waxuu ku shaqayanay qodobka labaad oo ah in waxna lala yeesho lana taakuleeyo markuu u baahan yahay,


Waxaan xasuustaa doorashooyinkii ugu danbeeyay oo Waliba aan jecelahay in ay mid uun ka danbaysay inuu Ganacsade Ahmed ahaa gudoomiyaha campaign-ka doorashada ee Ismaaciil Cumar Geelle, Taasi waxay ku tusaysaa xidhiidhka Tolmoon ee u dhaxeeyay labada dhan.


Aan u imaado arinta muranka hada taagan dhalisay ee lacagtan 20 milyan ee dollar ah ee u dhaxaysa Ahmed iyo baanka BCIMR.


Su’aasha uu is waydiinayo maan iyo maskax kastoo is tidhaa ka gar-naq arintani ayaa waxay tahay amaahda uu bangigu bixiyay ee uu muwaadinkan ganacsadaha ah uu siiyay maxaa u keenay inay dawlada Djibouti Soo dhex kasho taasina waa tii aynu kor ku soo xusnay labadii qodob kii danbe.


Runta meesha taalaa waxay tahay Lacagta markuu qaadanayay Ahmed Osman Geele in uu damiintay gudoomiyihii bangaga dhexe ee jabuuti marxuum Jaamac Maxamuud Xayd (AHN) oo ahaa Marwada koowaad ee Djabouti walaalked ka wayn Maxamud (AHN) si lama filana ayuu u dhintay ama mawtal qafle ayaana dilay dhawan, Maxamuud sida laga sheegay waxuu ahaa nin aad u wax garada badiyaana dawlada Iyo ganacsatadeena u dheexaya furana u ah labada dhan arimohooda, ka baxidii marxuunku uu meesha ka baxayna waxay dadka reer jabuuti aaminsan yihiin inay keenatay arimo aan la ogayn ama aanu cid u sheegin oo uu ganacsto kala dhaxaysay oo shaqsiyan uun uu marxuunka iyo cida ay kala dhaxaysaa uun ogaayeen oon qoyska dalawlada hogaamiyaana waxba kala socon taasi waxay dhalisay in heshiisyadii lacagta lagu kala qaatay ee u dhaxeeyay Ganacsade Ahmed Osman Geele iyo Bangiga BCIMR ay is badalaan Madaamuu qoyska Geele ay is leeyihiin wax kastoo magaciisa iyo damaanadiisa ku maqna faraqa qoyska ku soo celiya.


hadan dib idiin yara xasuusiyo damaanada lacagta ee marxuum Xayd waxaa kuu cadaynaya furitaankii warshada ee Hargaysa in si aad ah loogu mahadnaqayay Marxuumka doorka uu ku lahaa hirgalida mashruuca SBI inuu ahaa mid muhima oo lagama maarmaana u ahaa buddhiga iyo qabsooda hawsha aad na ay u carab dhabeen watigii Djibouti inooga yimi ee wasiirkii Caafimaadka ee xiligaasi hogaaminayay dhankeenana madax aan tiro lahayni ka xaadirtay ha ugu horeeyo madaxwaynaheenii talada ka dagay sanadkiyo dheeraadka ka hor’e


Baangigan hada u sheeganaya lacagta ganacsade Ahmed ee BCIMR waxaa 33% iska leh madaxwayne Geele taas oo markii ugu horaysee khilaafku cusubaa waa sanadii 2017 kiiye ku dhiiri galisay in madax dhaqameed iskuugu jira dhamaan beelaha reer somaliland ay u boqoolaan dhanka Diri-dhabe (caasimada labaad ee Ethiopia)si ay ugala Soo hadlaan arinkan Ugaaska ciise si uu isna waa ugaaskee uu garnaqsi dhaxdhaxaadina ula furo Geelaha Djibouti maadaamuu marna Ismaaciil yahay madaxwaynaha dalka lagacta lagu kala qaatay marna uu saamilayda bangiga inta ugu badan leh nasiib xumo Ismaaciil arintaa wuu ka biyo diiday ugaaskiisuna waji gabax buu kala kulmay.


Hadaba inta anan sidan xalka u arko galin aan ka horaysiyo laba qodob, waa kan horee aan idinku xasuusinayo in tiraba dhawr nin oo maalqabeeno reer Djibouti iyo Somalilanders ahba ay wadadan qodxaa leh ee Ganacsade Ahmed Geele lagu eryaayo ay hore u mareen oo ay ka mid ahaayeen ama ugu mudnaayeen Ganacsade Boore oo isagu qabiil ahaan Ismaaciil is xigaan iyo ganacsade Cumar Caydid oo isaguna ah nin Somaliland u dhashay ah waxaa kaloo la sheega tiraba afar nin oo kale oo qaar xitaa aan dib loo arag kadib qabashadoodii ay ciidamada amaanka Djibouti ay qabteen.

Iyo qodobka labaad oo ah Somaliland iyo doorkeeda.


Dawalada Somaliland door aad U mihiima ayey ka ciyaari kartaa xalka samaan ku saameelida sheekadan maadaamuu ganacsade Ahmed yahay muwaadin reer somaliland ah ugu horayna si kastooy lacagtani ku soo gashayba ha jootee halkuu maalka gashaday ay tahay dhulkiisii hooyo oo waliba uu muujiyay geesinimo ayna ganacsatadeena kale ku adag inay ku dhiiradaan taas oo ah in maalgashiga warashadiisa SBI uu yahay mid heer caalami ah shaqo abuur laxaad lehna ku soo kordhisay dalkeena shaqo la’aantu dagamsatay, waxaan aad uga xumahay siday madaxtooyada somaliland uga hadashay arintan oon ahayd si ilbaxnino bisayl dhexdhaxaadnimo iyo siyaasad qaan-gaadhiba ay ka madhan tahay oon anigu u fasishay inay dhinac ka tahay gartan, taasina waa mid ku ah nusqaan qarankeenan qabyaaladu dabaal joogtaynayso maantana ay xukuumada muuse u eeg tahay furfurnaan iyo isu soo jiidid dadkeeda dhexdooda ah marnabana ayna u egayn inay ka jeclaysato muwaadininteeda nin aan isaguba kabteeda tolin oo halkuu inaga taagan yahay ay ka dharagsan tahay, Ku darsoo waliba waxaa mid aad u mihiima ah in dawlada Somaliland la naadiso lacagaha kaga maqan Djibouti muwaadinka ee waliba sida axmaqnimada ah ay u qaysadeen dhamaan shirkadihiisii qoyska Geelaha aan dhicini iyadoon haba yaraatee wax shariyada aan loo soo Marin .


Gunaanadkii, Afar Qodob baan Aragtideyda ku soo koobi lahaa xalka arrinkan.


1. In Wado Sharci ah lagu kala baxo iyadoo bangiga BCIMR iyo Ina Geele Arab la isu daynayo, dawlada Somalilandna ay tahay ta uu muwaadin Ahmed ku tiirsanayo ee mar walba Dhabarka u ah


2. In Ahmed Cismaan Geele Ciyaaro Diplomacyda sarre oo arrinkan kaga dabaasho isagoo soomaaliland aan dhib galin, Djibouti na uga hadhin xoolihiisa 128 milyan kor u dhaafaya ee la boobay.


3. Shacabkeena oon leeyahay aynu cunfi iyo caadifad ka korno wax aynu ka faa’idano waynu soo aragnay muhiimadu waa inagoo isku duubnaana hubsiimana ogaana.


4. Madax-dhaqameedkana waxaan leeyahay Adeerayaal iyo awoowayaal idinkaa noo garaad iyo garashaba ahaa tallo badan oo Wanaagsana Soo taray qarankeena talaabo buuxiska ah walina taraya, xumaan idiinkamaanu baran idinkamana filayno dadka isu soo jiida sidii horeba aad u yeeli jirteen maantana sidii caadada idin ahayd masalaxada guud ka horaysiiya tiina gaar ka ah


Wa bilaahi tawdiiq

Mustafe sheikh.

[email protected]

London. Uk

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...