Maamulka G/Banaadir oo la yimid qorshe gaar ah oo lagu ciribrirayo Covid-19
Maamulka G/Banaadir oo la yimid qorshe gaar ah oo lagu ciribrirayo Covid-19
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19 oo si adag u saameeyay Caalamka.
Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir.
![]() |
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa habeen walba waxaa ay shaacisay warbixino la xiriira Coronavirus,iyada oo soo bandhigta dad horleh oo laga halay Cudurka kuwa u dhintay iyo kuwo ka Caafimaaday.
Loading...
Loading...