'' Xeer-Ilaalintu Waajibkeeda Ha Gudato ''. W/Q Ahmed Nour Guruje

0
Tuesday April 21, 2020 - 09:12:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Xeer-Ilaalintu Waajibkeeda Ha Gudato ''. W/Q Ahmed Nour Guruje

    Saddex waxba Umadda dhibwayn bay ku hayaan akhlaaqdeeda ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex waxba Umadda dhibwayn bay ku hayaan akhlaaqdeeda , Nabadgalyadeeda iyo degenaanshaheeda , sadexdaa shayna waxay kala yihiin .

 

1- Dadka Miidiyaha isla soo taagaya hanjabaadaha iyo goodiga arrintaas o ah denbi wayn in meel dawladdi ka jirto dad uga hanjabo saxaafadda , arrintaas oo ay caadaysteen odayaasha iyo kaaba qabiiladda habeen iyo maalin saxaafadda ka hadlaa , hadii hal mar odayaashaa denbigaa ay gelayaan ee wadanka dhiig-baxa ku ah laggu maxkamadayn lahaa oo laggu xidhi lahaa odayna saxaafad danbe islama soo taageen edeb daradaa la caadaystay

 

2- Saxaafadda inoo soo gudbinaysa shirarka jaraaid ee beelaha oo ah kuwo ka dhan ah akhlaaqada iyo wada jirka umadda hadii laggu oogi lahaa dacwado magdhaw ah oo laggu ganaaxayo faafinta wararkaa nacasnimada ah iyana way ka waantoobi lahaayeen .

 

3- Sheegashadda xilalka been abuurka ah , Aduunyadda qofku wuxuun buu ku hadlaa karaa ,xil loo doortay amaba loo magacaabay oo cid awood lihi u magacwday , xil kale oo afkiisa laggu hadli karaa waa danbi wadamo badan sida maraykanka .

 

Sidaa darteed dadka ku hadlaya afka beeluhu waa danbiilayaal maadaama aanay wakaaladdo ka haysan dadka beelaha oo dhan , maxaa yeelay qofku kuma hadli karro afka walaaladii hadaanu dhamaantood wakaalad ka hayan , hadii ay yihiin 10 oo mid keliyi ka maqan yahay , wuxuu ku hadi karaa afka 9 uu wakiilka ka yahay oo keliya ,sidaa darteed wakaalad beeli ku dhan tahay cid haysataa ma jirto , cid kastoo af beeleed ku hadashaana waa danbiile .

 

Cuqaasha iyo salaadiinta oo loo aqoonsaday in ay dawladda matalaan iyana waa in lagu qasbaa in ay xafiisyadda oo keliya kaga hadlaan danaha beelaha , hadii kale lagala noqdaa xilka lana xanuujiyaa .

 

Sidaa darteedna waxan soo jeedinayaa in xeer-ilaalintu waajibkeeda gudato .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...