Nabadda Iyo Xasilloonida.

0
Tuesday April 21, 2020 - 09:04:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadda Iyo Xasilloonida.

    "Nabadey nalkaa daaran Waxa tahay nimcada eebbe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nabadey nalkaa daaran Waxa tahay nimcada eebbe

 

Nacas kuuma soo dhuunto

Iyo naaqus maan gaab ahi

Kaa naaran kaa naaran

Shaydaanku kaa naaran

Nabadeey nabadeey!!!!”       xiddigaha geeska 2019



Marka hore nabadda waxa lagu macneeyaa xaaladda dadku ay ka fayowyihiin dagaal gacan ka hadal ah sida budh iyo middiyo la isu soo qaatto iyo dagaal hubka la isu gurto oo xabbadu is waydaarato,marka aanay taasin jirin ayaa waxa la yidhaahdaa nabad ayaa jirta.


Haddii aynu u soo noqonno Xasillooni iyadu way ka xeel dheertahay Nabadda,oo waxay wadattaa wixii ku caawin lahaa inay nabaddu sii jirto.oo markan xattaa war-war lagama qabo inay nabaddu dunto,sidoo kale waxa laga aamin yahay tabaalo Adduun.sida gaajo,abaaro,cudurro faafa iwm


Erayga xasilooni markiisa hore waxa uu ka yimid marka xooluhu ay si baraad la’aan ah isaga daaqayaan ee aanay ka baqaynin inuu kaynta bahal kaga soo baxo,markaas waxa dhacda xooluhu way iska hor iyo daba jeestaan,sanqadha raamsiga iyo goosashada daaqa iyo neefta ayunba la maqlaa dadka xoolaha raacaa markaas ciyaar kale ayay ku mashquulaan sida shax,luuf ama ciyaaro kale, sidoo kale marka nabad beeshu ku nagidahay ee barwaaqo ay tahay xooluhuna ay dhalaan ee caanaha laga dhergo wax-war ah aanu jirin iyadana waxa la yidhaa beeshu way nagidahay macnaha way Xassiloontahay.

 

Haddaba Johan Galtung oo loo yaqaan (Father of peace 1930-2020 waxa uu nabadda u qaybinayaay marka hore laba nooc 1-nabadda Taban (-) oo ah marka ay dhacdo xabbad joojin hase ahaatee laga baqayo in mar kale ay dib u bilaabanto,iyo nabadda Togan(+) waxa uu ku macneeyay marka nabaddu salka dhigto ee ay jiraan wax kasta oo caawinaya inay sii nagaa to ama waarto nabaddaasi waxana ka mid ah waxyaabaha caawiya inay nabaddu waarto,oo ay gaadho heer xassilooni ah waa I n la helaa;-


1-Dowladnimo adag oo aan qof iyo koox u habranayn,waaa inuu sharcigu sarreeyo.qof kastaana uu yaqaanno kaalinta uu kaga began yahay qaranka.


2-inaan laga war war qabin gaajo,macaluul iyo cudurro faafa haddii ay yimaaddaana loo heli karo wax lagaga gaashaanto,ama lagaga kabto


3-Waa in aanay jirin caddaalad darro,eex,qaraabakiil iyo musuq maasuq baahsan,waxyaabahani waxay ka mid yihiin waxyabaha dumin kara nabadda.


4-Waa in qaranku yeesho siyaasad wakhtiga dhow iyo wakhtiga fog labadaba.xagga arrimaha gudaha iyo dibaddaba.


5-Waa in uu jiraa Horumar la jaanqaadi kara wakhtiga jooga iyo wakhtiga soo socdaba.(Sustainable Development).


6-Waa in dadka la baraa (Civic Education) oo la baraa waddaniyadda iyo qiimaha ay leedahay haddii waddaniyadda dadka la bari waayo waxay baran doonaan qabyaaladda iyo qoqobka.


7-Waa in arrimaha bulshada wax laga qabto sida kaabayaasha dhaqaalah a.waddooyinka,biriishyada,laydhka(korontada)iwm.


Waxyaabahaas oo dhan marka ay isku hagaagan ayaa la odhan karaa waxa la gaadhay nabadda Togan (+).taas oo umaddi ku sii jiri karto haddise maalinba odayaal ama shakhsiyaad bulshada dhexdeeda ka hanjabayaan,Horumarkuna gaabis noqdo waxa lagu qiimaynaya Nabadda jirtaa darajadeedu inay tahay nabad Taban (-) oo aan cago badan ku taagnayn,si taas looga baxo waxa loo baahanyahay Howl dheeraad ah iyo dareen feejigan oo lagu waajaho xaaladaha kolba jira Horumarkana hore loogu socdo.

 

Rashiid Odowaa  M.A Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...