Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Ka Hadlaya Ka faa'idaysiga BishaBarakaysan.

0
Tuesday April 21, 2020 - 09:02:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Oo Ka Hadlaya Ka faa'idaysiga BishaBarakaysan.

    Waa bishii cibaadada,raxmada iyo naxariista isla markaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa bishii cibaadada,raxmada iyo naxariista isla markaana uu soo dagay nuqulada qur'aanka ee ka imanayay toddobada samo dusheeda.

 

Waa bishii sadaqada iyo khayrka waana bil ilaah dartii looga tago cunista iyo cabida ilaa iyo gabal dhaca.

 

Waa bishii ay asxaabtuna cisayn jireen iyaga oo eebe ka tuugi jiray in uu ku simo ,si ay u muujiyaan dadaal  dheeriya oo aan la mid ahayn wakhtiyada caadiga.

 

Quruuntii hore iyo ummadihii tagay waa bil ay ku waajib ahayd in ay u soomaan sidoona kale,taas oo ay ka sinaayeen isla bishan

 

Waana bishii is cafinta,is wanaajinta iyo isku damqashada isku naxariishada mujtamaca badh badhkooda kale iyo is garab taagnanaata la garab taaganyahay bulshafa intooda baahan.

 

Waa bishii akhrinta qur"aanka badshada baryada eebbe iyo la kulanka habeenka weyn ee ka khayrka badan kunka habeen ee laytul qadriga.

 

Waa bil aad u weyn ,haddaba hallaga faa'idaysto,waana bil ay quluubtu ku xasisho digriga iyo nuurka eebbe ee ku ladhan naxariista aan duugoobin taas oo gilgilaysa qoynasana ruuxda.

Hamse riiraaash.

[email protected]

 

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...