Trump Dib Ma U Dhigi Karaa Doorashada Madaxweynaha?
Xilli uu cudurka safmarka ah ee coronavirus hakad galiyay habsami u socodka dhaqaalaha Mareykanka, wuxuu sidoo saameyn ba'an ku yeeshay hannaanka diyaar garowga doorashada ee ay wadaan xisbiga Dimiqraaddiga, maadaama dabayaaqada sanadkan uu qorshuhu yahay inay dhacdo doorashada qaran ee guud.
Tartanka isreebreebka xisbiga
Dimuqraaddiga dhexdiisa ah ayaa dib u dhacay ama dhexda ku istaagay, halka
meelo badan oo ay taageerayaasha ku codeyn lahaayeen la imaan waayay xilligii
loogu talagalay.
Taasi waxay keentay shaki badan oo ku aaddan siyaasiyiinta u loollamaya musharraxnimada. Siyaasiyiinta qaarkood ayaa ku hardamaya howsha doorashada, iyagoo isla tiigsanaya maxkamadaha.
Bisha November ayaa ah xilliga dadweynaha ay u dareerayaan goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha xiga, inta badan xubnaha Aqalka Wakiillada ee Congress-ka iyo kumannaan siyaasi oo u tartamaya xilalka maamul goboleedyada.
Laakiin su'aasha la isweydiinayo waxay tahay sida ay maalinta doorashada xaaladdu noqon karto - ama xitaa in xilliga qorshaha yahay ay qabsoomi doonto - arrintaasise ma tahay mid mudan in laga doodo?.
Waa kuwan qaar ka mid ah su'aalahaas iyo jawaabahaba.
Ma laga yaabaa in madaxweyne Trump uu dib u dhigo doorashada?
Isku darka 15 gobol ayaa dib u dhigay doorashooyinka hoose ee ay ku loollamayaan siyaasiyiinta doonaya musharraxnimada xilka madaxweynaha, intooda badanna waxay ku khasbanaan doonaan inay dib u billowdaan ugu yaraan bisha June.
Taasi waxay miiska soo saareysaa su'aasha isweydiinta mudan ee ah in bisha March ay suurtagal noqon karto doorashada madaxweynaha lafteeda.
Dastuurka la ansixiyay sanadkii 1845-kii wuxuu dhigayaa in doorashada madaxweynaha Mareykanka ay ku beegan tahay Talaadada ku xigta Isniinta ugu horreysa bisha November, afar sano oo kasta kaddib - doorashada hadda xigtana way ku aaddan tahay 3-da November, 2020-ka.
Taas in wax laga baddalo waxay u baahan tahay inay ansixiyaan Aqalka Congress-ka ee ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga iyo waliba Aqalka Senate-ka ee ay maamulaan xisbiga Jamhuuriga.
Suurtagalnimada in tallaabo loo qaado dib u dhigista doorashada aad bay u adkaaneysaa.
Xitaa haddiiba ay dhacdo in maalinta doorashada la baddalo, dastuurka Mareykanku wuxuu dhigayaa in xilka madaxweynaha uu ku egyahay 4 sano oo kaliya. Si kale haddii loo dhigana, Donald Trump wuxuu xilkiisa madaxweyne ee xilligan koowaad ku egyahay duhurnimada maalinta ay taariikhdu ku beegan tahay 20-ka bisha January ee sanadka 2021-ka.
Afar sano oo kale ayuu heli karaa haddii dib loo soo doorto. Haddii laga guuleystana waxaa laga yaabaa inuu baddalo Joe Biden, oo ka socda xisbiga Dimuqraaddiga.
Laakiin saacaddu way socotaa, codbixinta oo dib loo dhigana ma joojineyso saacadda.
Maxaa dhacaya haddii doorashada dib loo dhigo?
Haddii ay doorasho qabsoomi weyso ka hor waqtigii loo qorsheeyay caleema saarka madaxweynaha, waxaa si toos ah u billaabanaya howsha lagu baddalayo madaxweynaha. Qofka ku xiga madaxweynaha ee xilkiisa la wareegi kara waa madaxweyne ku xigeenka, Mike Pence, sidoo kalena isaga qudhiisa waqtigiisa sharciga ah wuxuu ku egyahay isla maalintaas, taasoo micnaheedu yahay inay isku doon saaran yihiin isaga iyo madaxweynaha.
Qofka
kusii xiga ee xilka qaban kara waa afhayeenka Aqalka Wakiillada - oo hadda ah
siyaasiyadda xisbiga Dimuqraaddiga ee lagu magacaabo Nancy Pelosi - laakiin
iyada lafteeda waqtigeeda afhayeennimada wuxuu ku egyahay bisha December.
Qofka ugu sarreeya ee haddii waxaasoo dhan dhacaan xilka madaxweynaha uu usoo gudbayo waa Senator-ka xisbiga Jamhuuriga ee 86-ka ah ee lagu magacaabo Chuck Grassley, kaasoo laga soo doortay gobolka Iowa, waana madaxweynaha Aqalka Senate-ka. Taasina waxay ku dhici kartaa oo kaliya haddii ay xisbiga Jamhuurigu sii heystaan aqlabiyadda Senate-ka waana kaddib markii 100 xubnood oo iyaga ka tirsan ay xilalka weyn doonaan maadaama uu waqtigooda dhammaaday.
Si kastaba ha ahaatee, howlahan oo dhan wa kuwa buugaagta lagu qoro, mana dhici karto inay si run ah u dhacaan.
BBC