Denmark: Dadkoo Markii Xayiraadii La Debciyey Rayiisleyaasha Ku Xoomay

0
Tuesday April 21, 2020 - 08:12:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Denmark: Dadkoo Markii Xayiraadii La Debciyey Rayiisleyaasha Ku Xoomay

    "Aad baanu u mashquulsannahay."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aad baanu u mashquulsannahay."


Dadka reer Denmark ayaa markii ugu horraysay mudo bil ah waxay ku yaaceen rayiisle yaasha markii xukuumaddu bilowday in ay yara debciso xayiraadii coronavirus lagaga hortagayey ee saarnayd dalkaas.



"Aad baanu u mashquulsannahay. Waxaan u jeedaa shaqaaa nagu badan labada todobaad ee soo socda" ayuu yidhi Phil Olander, oo ah mulkiilaha rayiislaha Phil ee badhtamaha Copenhagen ku yaal.


Xayiraadda la debcinayo markii la shaaciyey ayaa dadku ballanno ka wada qabsadeen rayiisleyaasha. Olander ayaa mararka qaarkood khadka lagala soo xidhiidhayaa xayirmayey dadka badan ee soo wacaya awgeed.


Haweenay kale oo goob Saloon ah leh ayaa iyadna sheegtay in seddexda todobaad ee soo socda la wada balansaday oo ay saacado dheeraad ah shaqayn doonaan si ay dadka ugu adeegaan.


Goobaha kale ee adeegyadooda aadka loogu soo jabay waxa ka mid ah goobaha dumarka lagu qurxiyo, kuwa dadka jidhkooda wax loogu sawiro, dhakhtarada ilakaha iyo kuwo indhaha oo haatan loo ogolaaday in la furo.


Sidoo kale waxa la ogolaaday iskuulada wadista baabuurta lagu barto in la furo, oo waxa meheradaas oo dhan loo gudbiyey xeerar ay tahay in ay ku dhaqmaan.


" Waa in aanu goobta nadiifinaa marka qof loogu adeegoba inta aan ka kale soo fadhiisan" ayuu yidhi Olander "sida in meesha la buuxiyo oo agabka aan ku shaqaynayo aanu ku nadiifino waxyaabaha jeermiska dila iyo xataa albaabahada marka la soo gelayo goobta la qabto iyo sidoo kale mishiinada kaararka lacagta la mariyo. Waa shaqo kale oo badan".


Safka loogu jiro goobta waa in la habeeyaa oo ay dadka kala fogaadaan, wargeysyadii dadka sugayaa akhrisan jireena waa la joojiey.


"Waxaan dareemay in aan u baahanahay in aan timaha iska xiiro, rayiislahana waa kaan iman jiray" ayuu yidhi Christain Rikhof oo ka mid ah macaamiishu.


Wuu ku niyadsanyahay in xayiraadda la qaadi doono "waxaan rumaysanahay in ay xaaladdu kolba siday tahay xog ogaal u yihiin oo waan ku kalsoonahay".


Rayiisleyaasha badankodu waxaad moodaa in ay diyaar u ahaayeen maalintan koobaad ee ay shaqada ku soo noqonayaan. Xaafadda aan deganahay tobankii rayiisle ee aan soo dhaafay dhamaantood way wada furnaayeen. Laakiin waxay ku kala duwanaayeen ku dhaqanka xeerarka la soo saaray.


Ayse Akkaya, oo ah mulkiilaha goob haweenka lagu qurxiyo oo la yidhaa Hair Kompagniet ayaa xidhan Mask marka ay dadka u shaqaynayo.


Muddo bil ah oo ay shaqo la'aan ahayd haatan way ku faraxsantahay in dakhli soo galayo mar kale. Laakiin waxay tidhi macaamiishaydii oo dhami ma doonayaan in ii yimaadaan "waa dhalin yaro uun dadka ii imanayaa, dadkii waaweynaa ma soo baxayaan"


Denmark wuxu ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyey Yurub ee xayiraadda ku soo rogay dadkooda waxaanu haatan ka mid yahay kuwa ugu horeeya ee debcinaya.


Arbacadii hore ayaa caruurta yaryar ee dalkaas loo ogolaaday in ay ku noqdaan dugsiyada xanaanada.


Hase yeeshee xayiraada badankeedu way sii socon doontaa ilaa 10 bisha May. Xuduudaha dalku way xidhanaan doonaa in toban qof wax ka badani meel isugu yimaadaanna la ogolaan maayo.

 

BBC

Loading...
Loading...