"Xukuumada Muuse Biixi Qof Kasta Masuuliyadiisa Ma Qaadi Karto, Madaxtooyadana Fawdo Lagama…"Agaasime Maxamed Cali Bile
Hargeysa(HWN):-Agaasimaha madaxtooyada somaliland Maxamed Cali Bile ayaa ka hadlay masuuliyada ay xukuumada Muuse Biixi ku leedahay in bulshada laga badbaadiyo xanuunka Coronavirus iyo qodobo kale oo la xidhiidha nidaamka dawladeed ee hada ka jira somaliland.
Agaasime Maxamed Cali Bile oo la hadlay warbaahinta ayaa talaabada madaxtooyada somaliland lagaga hor istaagay waxgaradkii bulshadu ay la xidhiidho inaan laga dhigin mid fawdo ah oo ay cid waliba iska soo gasho isaga oo shacabka talooyinka hayana fariin u diray.
Agaasimaha madaxtooyada somaliland Maxamed Cali Bile oo ka hadlaya masuuliyada xukuumada ee xanuunka coronavirus ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Marka ay xanuunkan Covid-19 timaado qofku isaga ayaa iskii u baqaya, qofkuna haddii aanu mid waalan ahayn waa in isaga laftiisu uu masuuliyada badh qaadaa, xukuumada Muuse Biixina qof kasta masuuliyadiisa ma qaadi karto, hadii qofku is haligayo cidina ma soo qaban karto.”
Agaasime Maxamed Cali Bile ayaa difaacay talaabada ay madaxtooyada kaga hor istaageen waxgaradka somaliland "Meeshu waa madaxtooyo oo haykal ayey leedahay, madaxweynuhuna ilaa habeenkii ayuu shaqeeyaa, intaas oo dhana wuu xiiqsan yahay oo shaqo ayuu hayaa, intaas dad ka badana hadii lagu soo dayn lahaa waa fawdo, shaqaduna haykal ayey kala leedahee dadkan suuqa jooga ee talooyinka haya mid walba halka ay leedahay ha siiyo.”
Sidoo kale waxa uu ku faanay waxqabadyo wali qabyo ah isla markaana ay yar tahay kaalinta ay xukuumadu ku leedahay balse ah maalgashi iyo mashaariic ay hay’adduhu ka fulinayaan somaliland waxanu yidhi "Sidoo kale Agaasimaha madaxtooyada oo wax laga waydiiyey fashilka dul hoganaya hogaamiye Muuse Biixi iyo xukuumadiisa ayaa ku difaacay wax qabadyo su,aali ka taagan tahay oo uu dabada ka galay, waxaanu yidhi "Wax badan oo wanaagsani way bilaabmeen oo way socdaan, wax badanina way qabsoomeen tusaale ahaan waddada Boorama iyo jabuuti qorshaheeda ayaa lagu jiraa, waddada Hargeysa iyo Gabiley waa la dhisay oo way dhamaatay, Waddadii Corridor-ka ee Berbera iyo Wajaale wuu socdaa, dekedii Berbera way bilaabantay waxaanay sii soconaysaa sanad kale, garoonka diyaaradaha Berbera wuu dhamaaday, Biriishyadii iyo wadooyinkii la dhisayey in badan ayaa dhamaaday, wasaaradihii ay daaruhu qabyada ka ahaayeen in badan ayaa la dhisay, waxbarashadii wax badan ayaa laga qabtay, kuliyadii macalimiinta iyo tii iimaamyada ayaa la dhisay