Xukuumadda Muuse Biixi Oo Fasaxday In Dalka La Keeno Nooc Ka Mid Ah Buuriga Oo Dunida Mamnuuc Ka Ah.
![]() |
"Annaga oo tixraacayna dhammaan caddaymaha iyo waraaqaha caafimaadka ee ka soo baxay waddamada hoos ku qoran:
- Kenya – Tobacco Control Board of Kenya
- Austria – Directive 2001.37/EC Chapter 111 article 17
- Finland – Directive 2014/40/EU of the EPC 3 April 2014
- Sweden – Article 151 of the act Accession of Sweden
Dhammaan Caddaymahani waxay qeexayeen in tubaakada (Oral Use) ay tahay furaha Kansarka ku dhaca sambabada bani aadamka illaa xadna sababi karto heer dhimasho. Sidaa darteed wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku waxa ay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 13/042020 mamnuucday in aan tubaakada kor ku xusan soo gali Karin dalka JSL lagana ganacsan Karin sidoo kale waxaanu faraynaa hay’adaha arrintaasi khusayso in ay ka hawlgalaan joojinta tubaakadaas dalkana soo galin” sidaa waxa lagu yidhi qoraalka wasaaraddu hore ugu mamnuucday buurigaasi khatarta badan.
Balse Waxa haddaba arrin aad loola yaabo noqotay markii ay haddana wasaaraddu dorraad Sabtidii soo saartay qoraal kale oo ay ku fasaxayso ka ganacsiga iyo keenista buurigaasi halista badan ee ay hore u mamnuuceen waxaana qoraal uu isla agaasimaha guud ee wasaaraddani ku saxeexan yahay lagu yidhi: "Kadib markii aannu eegnay shahaadada ay sitaan mulkiilayaasha Tubaakada kor ku xusan oo hore Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku u xayirtay taasoo ay xaqiijisay caddayn baadhiseed oo ka soo baxday (Bat Tobacco Com Limited Product Nicotine of Kenya) shahaadadaas oo caddaysay in la is ticmaali karo tubaakada kor ku xusan. Sidaa darteed waxay wasaaraddu laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18/04/2020 fasaxday isticmaalka Tubaakada kor ku xusan”.
Isku soo duuboo buurigan ayay khubarada caafimaadku ka digaan waxaanu ka mid yahay noocyada ugu halis badan isticmaalka buuriga kaasoo la sheego in laga qaado noocyada ugu khatar badan kansarka gaar ahaan Kansarka haleela neef mareenka sida sanbabada.


0 






