Raysal Wasaare Khayre Oo La Kulmay Guddiyo Ka Socda Maamul Goboleedyada

0
Monday April 20, 2020 - 17:30:13 in News by
  • Visits: 1373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo La Kulmay Guddiyo Ka Socda Maamul Goboleedyada

    Raysal Wasaare Khayre Oo La Kulmay Guddiyo Ka Socda Maamul Goboleedyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo La Kulmay Guddiyo Ka Socda Maamul Goboleedyada


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir ay ka qeyb galeen guddoomiyaasha guddiyada ka hortagga Covid-19 ee dowlad gobaleedyada, oo looga hadlay dardar gelinta dadaallada lagu xakameynayo faafidda iyo saameynta bulshada uu ku yeelanayo cudurka COVID-19.




Guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada ee ka hortagga COVID-19 ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee dowlad gobaleedyada iyo caqabadaha jira.


Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in dowladda federaalku ay dadaalkeeda oo dhan isugu geyneyso wax ka qabashada COVID-19, ayaa ku baaqay in wadajir loo wajaho cudurkaan, lana laba jibaaro dadaalka maadaama lagu jiro xilli aad u adag.


Dowladda oo ku dadaaleya xakameynta iyo saameynta bulsho ee cudurkaan COVID-19, ayaa hir-gelisay xaruma caafimaad oo lagu daryeelo bukaannada, waxayna dhanka kale canshuur dhaaf iyo canshuur dhimis u sameysay cunnada aasaaniga u ah nolosha bulshada, iyadoo sidoo kale wada qorshe lagu caawinayo dadka u nugul saameynta ka dhalanayesa tallaabooyinka lagu xakameynayo cudurkaan.

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...