Dhismihii Waddada Ceerigaabo Oo Istaagay Iyo Sababta Keentay
Hargeysa(HWN):-Dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Burco iyo ceerigaabo ayaa guud ahaanba dhismaheedii istaagay.

Dhismaha Waddada oo haatan maraya deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa gabi ahaanba la joojiyey ka dib markii uu deegaanka Fadhigaab uu ka bilaabmay dagaal beeleed u dhaxeeya laba beelood oo deegaankaasi wada dega.
Dagaal beeleedkaasi ayaana sababay in la joojiyo dhismaha jidkaasi, maadaama oo shaqaalaha ka shaqaynaya dhismaha Waddadaasi iyo qalabka lagu shaqaynaya-ba amaankoodu uu halis ku jiro.
Sidaasina waxaa shaaca ka qaaday maareeye ku-xigeenka hay’adda wadooyinka Somaliland Mustafe Maxamed Qalab.
Waxaanu tilmaamay in ay si deg deg ah uga guurayaan deegaanka Fadhi-gaab Saacadaha soo socda, isla markaana ay shaqaalahoodda iyo qalabka-ba ula guuri doonaan meel kale.
Waxaanu yidhi, "Goobtii aan ka shaqayn lahayn oo ahayd fadhi-gaab, waxaa nagu qabsaday dhawr jeer dagaal.
Waxaa laga bilaabo maanta, aan go’aamiyay in aan tobanka Saacadood ee soo socda, aan ka guurro meesha la yidhaahdo Fadhi-gaab. Si deg deg ah baan uga guurayaa.
Waxaanan joojinaynaa dhismaha Waddada ka socota Fadhi-gaab iyo hareerraheedda. Waxaana taa bedelkeedda Saaydadka dhismaha ay shaqaalahayagu ka soo wadi doonaa dhinaca Gar-adag”.
Waxa kaloo uu sheegay maareeye ku-xigeenka hay’adda waddooyinka Somaliland in aanay suurto-gal ahayn in ay ka sii shaqeeyaan deegaanka fadhi-gaab, isla markaana ay dadka deegaankaasi Rasaas ku hurgufeen shaqalaha jidkaasi dhisaya.
"Waayo? Taasi waa jawaabta dadka reer Fadhi-gaab, ee aanu Waddada u dhisaynay, ee aanu Daamurka u dhigaynay, ee aanay Booyadii Daamurka dhigaysay ka shaqayn karaynin, ee Rasaasta afarta koone is kala kaayo taagay, iyagoon anaga noo jeedin, ee iyagu is dilaya.
Dad iyagii is dilaya, anagu-na Waddo u dhisi kari mayno” ayuu yidhi Mustafe Maxamed Qalab, oo maanta warbaahinta kula hadlay deegaanka Fadhi-gaab.
Geesta kale maareeye ku-xigeenka hay’adda waddooyinka ayaa intaas raaciyay in gobolka Sanaag intiisa kale ay wakhtigan amaan tahay, balse ay imika mushkilad cusub oo dagaal beeleed ah ka bilaabantay Fadhi-gab.
Waxaanu yidhi, "Waxaanu qaranka Somaliland u sheegaynaa, in gobolka Sanaag intiisa kale amaan tahay. Balse fidnadu ay maanta ka socoto meesha la yidhaahdo Fadhi-gaab”.


0 





