Qofna Niyadda Xumaan Ha UGu Hayn!

0
Monday April 20, 2020 - 13:17:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofna Niyadda Xumaan Ha UGu Hayn!

    Rasuulka Allah (scw) iyo Asxaabta oo meel wada Fadhiya ayuu Rasuulku (CSW) ku yidhi:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rasuulka Allah (scw) iyo Asxaabta oo meel wada Fadhiya ayuu Rasuulku (CSW) ku yidhi:
"Qofka Albaabkaas ka soo Galaaya waa Ahlu Janno, way Arkeen Asxaabta Qofkaasi, Maalintii Labaad haddana sidii oo kale ayuu yidhi Rasuulka (csw), isla Qofkii ayuu Noqday, Maalintii Saddexaadna sidii ayuu yidhi Rasuulka csw, isla Qofkii ayuu noqday.

 

Haddaba, mid Asxaabta ka mid ah ayaa wuxuu ku Fekeray Ninkaan Jannada gelayaa, Bal soo Ogoow waxa uu Camal Sameeyo ee uu ku mutaystay Jannada. ka dib wuxuu u tagay Ninkii Jannada Gelayay, wuxuuna ku yidhi: "Aabahay ayaan isku Xanaaqanay, Walaal waxaan doonayaa inaan Gurigaaga kula soo Joogo Muddo yar”, Saxaabigiina wuu ka Aqbalay waana ay is Raaceen.

 

Haddaba, markuu Muddo Saddex Habeen ah la Seexday, Kuma Arkin wax camal Weyn oo uu samaynayo. Marka laga reebo inuu Habeenkii Salatulaylka Tukado oo keliya.

 

Ka dib wuxu ku yidhi: "Waxaana kuugu imi inaan Ogaado Acmaasha Wanaagsan ee aad Sameyso”. Asaxabigii wuxuu ku yidhi: " Intaad Aragtay ayaan Sameeyaa, Waxaa ii Dheer oo keliya Habeenkii markaan Seexanayo Aniga oo aan Qofna Niyadda Xumaan ugu Haynin ayaan Seexdaa, Allah (sw) ayaan ka Magan Galaa inaan Qof  Muslim ah Caloosha wax Xumaan ah ugu Qaado”.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...