Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Colaada Deegaanka Ceel-Afweyn

0
Monday April 20, 2020 - 12:46:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Colaada Deegaanka Ceel-Afweyn

    "Waad ogeedeen hawsha meeshaasi dadka ka gaadhay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waad ogeedeen hawsha meeshaasi dadka ka gaadhay"


Hargeysa (HWN) Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland mudane Boos Mire Maxamed ayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ugu baaqay inay joojiyaan colaada.

 

Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha mudane Boos Mire isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi "Waad ogeedeen hawsha meeshaasi dadka ka gaadhay, in badan ayaa nabadgeliyada lagala shaqeeyay, bulshada reer Somaliland ee Suldaan, Culimo, iyo cid walba leh, ay gashay waanay dhammaatay.

 

Hadana waatan imika dib u bilaabantay gaar ahaan degaanka Fadhigaab, ILLAAHEY waxaan uga baryeyna in dadkaasi uu u soo celiyo iimaanka, oo qalbigooda isu soo xaadho, waa bishi Shabcaan oo Ramadaana ay ku xigto, in ILLAAHEY halkaasi inagaga dhammeeyo, iyagana waxaa aanu leenahay waar caqligu ha shaqeeyo, la is dil, la is dil hadana la kala tegi waa ILLAAHEY-ba idinku abuuray marka u danbeeyana waad wada joogi doontaan waxaanu leenahay caqligu ha shaqeeyo oo nabadgeliyada halaga taliyo, oo xabada hala joojiyo”

 


Loading...
Loading...