Raysal Wasaare Khayre Oo Magacaabay Sadex Wasiir Oo Xukuumadiisa Ka Mid Noqonaya

0
Sunday April 07, 2019 - 14:02:16 in News by
  • Visits: 2890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Magacaabay Sadex Wasiir Oo Xukuumadiisa Ka Mid Noqonaya

    Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Wasiirada La Magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Wasiirada La Magacaabay


Muqdisho(HWN):-Raysal wasaaraha dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa magacaabay sadex wasiir oo xukuumadiisa ka banaanaa.

Image result for xasan cali khayre


Saalax Axmed Jaamac oo ahaa Wasiirkii Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa loo magacabay xilkii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,iyadoo Saalax Axmed uu noqonayo wasiirka Dastuurka.


Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa isna loo magacaabay Sadiiq Xirsi Warfaa ,oo ay isku beel ahaayeen Wasiirkii hore ee Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo bishii la soo dhaafay geeriyooday.


Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha oo ahaa mid banaanaa, waxaa horay xilkaas isaga casilay Cabdicasiis Lafta Gareen oo loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wasiirrada la magacaabay, sidoo kale waa xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka,iyadoo magacaabiistooda ay kor u qaadeyso tirada Xildhibaanada Wasiirada ah ee ku jira xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.

 

Loading...
Loading...