Hagardaamada Danyarta Ay u Geysatay Xukumada Muuse, kaga daran Caabuqa COVID-19. Faallo

0
Sunday April 19, 2020 - 22:34:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hagardaamada Danyarta Ay u Geysatay Xukumada Muuse, kaga daran Caabuqa COVID-19. Faallo

    "Qiimaha lagu raaco Basaska Magaalada Hargeysa qaar ka mida ayaa kor u kacay "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qiimaha lagu raaco Basaska Magaalada Hargeysa qaar ka mida ayaa kor u kacay "


Hargaysa (HWN) Marka loo barbar dhigo dawladaha caalamku sida fiican ee ula tacalayaan bulshadooda iyo sidey burbur hagardaamo ugu geysanayso Somaliland bulshadii danyarta ahayd ee marka horeba la daalaa dhacaysay sicir barar baahsan oo maanta kumanaan qoys aan dabka loo shidin.



Hadaba Dunidu waxay ku mashquulsan tahey sidey u caawin laheyd dadkooda ay sameysey dhibaatada xanuunka COVID-19, halka Masuuliyinta Somalilland ilaa hada iyagoo kiilo bariisa bixinaya aan la’arag, waxaana kaga daran burburin si maalinla ah ugu socota dadka danyarta ah magaalada Hargeysa ku ganacsan jirey .


Sida oo kale dawlada somaliya waxay u sameysey cashuur dhaaf raashinka wadanka soo galaya, sida Bariis, daqiiqda, sonkorta, iwm. Halka aan Somaliland ilaa hada wax talaabo ah danyarta wax loogu qabanayo ayna qaadin xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi.


Dhinaca kale, Qiimaha lagu raaco Basaska Magaalada Hargeysa qaar ka mida ayaa kor u kacay ka dib markii lagu amray inay dhimaan rakaabkii ay qaadi jireen, waxaanu qiimaha lagu raaci jiray Basaska ka dhax shaqeeya xaafadaha magaalada Hargaysi ahaan jiray 2000shl (Laba kun oo shilin) halka uu imika yahay 3000shl (Saddex kun oo shilin) waxaana ku biiray lacag dhan kun shilin.


Halka looga naxariisan lahaa danyarta, talaabo kasta oo la qadaa danyarta uun bey culeys ku tahey, marka hore nolashu ku adkeyd.


Dhinaca Somaliya waxaa kajira Dawlada shacabkeedabarbartaagan oo maalin walba waxa laga baadhaa shacabka xanuunka Coronavirus.


Waxaana shalay uu madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo daahfuray Barnaamij uu ugu magacdaray baxnaano kaasi oo lagu kaabayo dhaqaalaha danyarta Somaliyeed oo ay ku jirto Beeralayda Somaliya.


Isku soo duubaa Waxa ay su’aasha tahay Xukuumada Muuse Biixi ma qaadi doontaa talaabo wax utara danyarta ee aan waxba yeelin, sida burburinta maalin walba ay danyarta ku hayso Dawlada Hoose Ee Hargaysi?



Hadhwanaagnews.com

Hargeysa office.

Loading...
Loading...