Cali Guray Oo Muuse Biixi Usoo Jeediyay Inuu Farmaajo Kaga Daydo Barnaamijka Baxnaano
Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray oo kamid ah siyaasiyiinta
Somaliland, kana tirsanaa mujaahidiintii SNM ayaa taageero umuujiyay barnaamij
uu shalay daahfuray Madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Barnaamijkan uu Farmaajo shalay xadhiga ka jaray oo la yidhaa Baxnaano ayaa ah barnaamij danyarta Somaliyeed lagu kaabayo dhaqaalahooga, xiligan oo uu saamayn ku yeeshay Shacabka Somaliyeed xanibaadaha lagula dagaalamayo xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.
Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu barnaamijka Baxnaano kaga hadlayo soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, qoraalka oo dhamaystirana waxa uu uqornaa sidan:
WUXU YIDHI: HOONA WAYGA INTAA HAGRASHANA WAYGA WALLAAHI
Waxan in yar ka dhegaystay Madaxwaynaha Dawladda Faderaalka Somalia oo ka hadlaya Barnaamijka Badbaado oo ah barnaamij lagu taageerayo dadka danyarta ee noloshooda ay saamaynayso talaabooyinka ka hortagga COVID-19. Barnaamijka lama qarin qiimaha uu ku kacayo. Runtii Farmaajo waxa ka muuqatay hadalkiisa in uu ka hadlayay wax uu garanayo. Kuma filna qaddarka lacagta ahi waanu sheegay Madaxwayne Farmaajo laakiin horaa loo yidhi: "hoona wayga intaa hagrashona wayga wallaahi”.
Barnaamijkani maaha sida Somaliland ka jirta amar ay madaxda sare soo saartay oo dadka lagu qasbayo inay qasab iyo jujuub ugu hogaansamaan sida aynu ognahay ama qayladooda ka daawanno shaashadaha TVyada. Waxa ka qaylisiinayaa maaha kibir ee waxa aanay karayn ama tahliba karin talaabooyinka ka hortagga COVID-19, sida kala durugga bulshada (social distancing) oo dhinaca Somalia uu Barnaamijkani, yaanu kuba filaanin laakiin uu wax badan uga fulin karo magaaladda Muqdisho oo qiyaastii laba milyan oo dad ahi ku nool yihiin. Madaxwayne Muuse Biixi waxan kula talin lahaa in uu ku daydo waayo waa talaabo runtii ku dayasho leh. Barnaamijkan laguma soo sarin amar ee waxa lagu soo diyaariyay heerka farsamo oo waxa diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Farmaajo waa Madaxwayne la odhan karo wuxu adeegsanayaa aqoonta dadkiisa isagoo soo dhawaysanaya taladda ka qaadanaya aqoonyahankiisa farsamoyaqaanka ah.
Ugu dambaystii waxan filayaa in Dawladda Muqdisho ay barnaamijkan ku heli doonto kaalmo dibadeed oo mug leh, qaddarka yar ee lacageedna luqada dunida mashaariicda ama barnaamijyada horumarinta waxa looga yaqaan "seed money”. Waa lacagtii lacagta keenaysay. Farmaajona intaa si fiican buu u garanayaa lakiin......