Dawlada Sucuudiga Oo Go'aan Ka Soo Saartay Xoolaha Soomaaliya U Dhoofiso

0
Sunday April 19, 2020 - 17:50:46 in News by
  • Visits: 2874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Sucuudiga Oo Go'aan Ka Soo Saartay Xoolaha Soomaaliya U Dhoofiso

    Dawlada Sucuudiga Oo Go'aan Ka Soo Saartay Xoolaha Soomaaliya U Dhoofiso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Sucuudiga Oo Go'aan Ka Soo Saartay Xoolaha Soomaaliya U Dhoofiso

Muqdisho(HWN):-Wasaaradda arrimaha deegaanka, biyaha, xoolaha iyo beeraha Sacuudiga (MEWA) ayaa waxey sheegtay in si Ku-meel-gaar ah loo fasaxay xoolahii uu Sacuudiga kasoo dhoofsan jiray Soomaaliya, arrintaasi ayaa waxaa lagu sheegay mid Xukuumadda Riyaad ay ku dooneyso iney ku xoojiso suuqyada Maxalliga ah ee xoolaha nool ee Sacuudiga, Taas oo ah masuuliyadda wasaaraddu ay leedahay oo ah in uusan dhicin gabaabsi ku yimaado cuntada Waddankaasi.


Ganacsatada Somaliland ee Xoolaha u Dhoofiya Cumaan oo Lagu Qasbay ...

 
 
Warkaan oo lagu baahiyay Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa lagu sheegay in Wasaaraddaasi ay qorsheyneyso in Soomaaliya lagasoo dhoofiyo xoola dhan 6000 oo neef oo Ido ah iyo boqol kun oo neef oo geel ah , kuwaas oo la filayo in muddo soddon maalin ah ay kusoo galaan suuqyada maxalliga ah ee Sacuudiga .


Sacuudiga ayaa horay u xayiray xoolahii looga dhoofin jiray Soomaaliya, kadib markii la baahiyay warar aan xaqiiq aheyn oo sheegayay iney qabaan xanuunno aadmiga u gudbi kara, taas oo si weyn u dhaawacday suuqii xoolaha ee u dhexeeyay labada Waddan, balse lamma oga , tallaabada tan xigta oo ay qaadi doonto Dowladda boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan dhoofka xoolaha ee Soomaaliya.
Loading...
Loading...