Xukuumadda Somaliland Oo Hakisay Kharashaadka Dawladda Iyo Sababta Keentay

0
Sunday April 19, 2020 - 12:29:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Hakisay Kharashaadka Dawladda Iyo Sababta Keentay

    "Mudaneyaal, sida aan wada ogsoonahay waxa Dunida ka dillaacay oo lala tacaalayaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mudaneyaal, sida aan wada ogsoonahay waxa Dunida ka dillaacay oo lala tacaalayaa"

Hargeysa(HWN)-Xukuumadda Somaliland ayaa hakisay inta badan kharashaadka dawladda, iyadoo ku sababaysay xanuunka Covid_19 oo ay xukuumadu ka cabsi qabto inuu hoos u ridi karo o doroskii dakhliga la qoondeeyay ee miisaaniyadda 2020.

 

Wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa qoraal uu u gudbiyay hay’adaha kala duwan ee xukuumadda oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika helay, wuxuu Wasiir Sacad ku dhimay kharashaadka dawladda oo uu badankooda 100% dhimay.

 

Warqada Wasiir Sacad oo ku taariikhaysan 14 April, waxay u dhignayd sidan "Mudaneyaal, sida aan wada ogsoonahay waxa Dunida ka dillaacay oo lala tacaalayaa xanuunka Safmarka noqday ee Covid_19, kaasi oo sababay dhimashada ka sakow inuu guud ahaan dhaqaalihii caalamku uu hoos u dhaco.

 

Sidaa awgeed, iyadoo laga duulayo hoos u dhaca ku iman kara Odoroskii Dakhliga la qoondeeyay Miisaaniyadda 2020, oo uu sababi karo xanuunkan aan kor ku soo sheegnay, gaar ahaan dakhliga Goobaha uu saamaynta tooska ah ku yeeshay ee Madaarrada, Xuduudaha, Ganacsiga, IWM, ayaa Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu qaadday Tallaabooyin si ku meel-gaadh ah loogu dhimayo kharashaadkii Dawladda, si aanay u dhicin in Dawladdu gasho kharash dheeraad ah.

 

Waana kuwan hoos ku xusan Noocyada Madaxyada Kharashaadka la dhimay.



Loading...
Loading...