Maxaa ka jira in Jowhar lagu go'doomiyeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle?

0
Sunday April 19, 2020 - 09:19:29 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka jira in Jowhar lagu go'doomiyeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle?

    Maxaa ka jira in Jowhar lagu go'doomiyeyay Guddoomiyaha BL Hirshabeelle?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa ka jira in Jowhar lagu go'doomiyeyay Guddoomiyaha BL Hirshabeelle?



Wararka naga soo gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle ayaa sheegaya in madaxtooyada HirShabelle ay joojisay safar uu Muqdisho ku imaan lahaa guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.

Warqad laba cesho ka hor ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha oo lagu joojiyay duulimaadka degaanada HirShabelle ayaa la sheegay in ay aheyd mid lagu hor istaagayay diyaarad ku wajahneed Jowhar si ay usoo qaado guddoomiyaha iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.


Wararka ayaa intaas ku daraya in khilaaf culus u dhaxeeyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka oo dhinac ah iyo guddoomiyaha baarlamaanka, khilaafkaas oo sababay in guddoomiyaha laga joojiyay diyaaradii ka qaadi laheyd Jowhar ee geen laheyd Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shalay cabsi ay ka taagneed dhismaha uu Jowhar ka dagan yahay guddoomiyaha baarlamaanka kadib markii ay tageen ciidamo dheeraad ah oo madaxtooyada ka amar qaata.

Sheekh Cusmaan Barre, ayaa beeniyay in ciidamo la dul dajiyay iyo in laga jartay korantada iyo biyaha balse wararka qaar ayaa sheegaya in cadaadis badan la saaray guddoomiyaha.

Si rasmi ah looma oga waxyaabaha ay isku khilaafeen masuuliyiintaan balse waa khilaaf soo jiitamayay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay kaas oo u muuqda mid ka sii daraya.
Loading...
Loading...