Booliska Puntland Oo Ka Shiraya Qaabkii Loo Joojin Lahaa Jaadka

0
Sunday April 19, 2020 - 09:01:59 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Puntland Oo Ka Shiraya Qaabkii Loo Joojin Lahaa Jaadka

    Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa Degaano ka tirsan Gobalka Bari waxaa uu ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo Odayaasha Dhaqanka Iyo Culimada,isaga oo kala hadlaya sidii looga joojin lahaa in la keeno jaadka (Qaadka) si dhuumaaleysi ahna loo soo galiyo Deeganadaaas.


Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari
Gaashaanle Xuseen Cali Maxamuud ayaa u mahad celiyay Dadka degaanada iyo Gobolada uu kulamada la qaatay,isaga oo sheegay inay waajib ku tahay joojinta jaadka inay doorweyn ku yeesheen.



Sidoo kale taliyaha ayaa digniin u direy dadka sida qarsoodiga ah deegaannada Gobolks Bari kusoo gelinaya jaadka oo loo joojiyey sababo la xiriira Cudurka Coronavirus,isaga oo sheegay in qofkii lagu qabto tallaabo laga qaadi doono.


Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa dhowr jeer waxaa ay Goob fagaaro ah oo ku yaalla Gobolka Bari ku gubeen jaad farabadan oo ay howlgallo ku qabteen.

Loading...
Loading...